Weligaa Ilmahaaga Ha U Ciqaabin Khalad Uu Sameeyey Awgii: Haddaa Sidee Loo Sixi Karaa Carruurta? (Q:3aad)

0
554

ddddHargeysa (Geeska)- Waa qormadii uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u rogay ee ka waramaysay dhibaatada ay ciqaabta jidheed iyo ta nafsiga ahi ku keeni karaan ilmaha: 

Waalid kasta waxaa la gudboon in uu ogaado oo barto bulshada ku xeeran ilmihiisa, saaxiibbadii, carruurta ay waxbarashada iyo ciyaarta wadaagaan iyo macallimiinta dugsiga wax ku barta. Waa in uu si xeeldheer oo nafsi ah u baadho bal in dadkaasi ay xaqiraan ilmihiisa am aka maadsadaan marka uu sida saxda ah garan waayo. In dadka ku xeerani kula macaamilaan hab ilmaha ku dhiirrigelinaya qallafsanaan, colaad ama anshax xumo.

Xaalado ilmaha ku keeni kara khalkhal nafsi ah:

–        Waxaa suurtogal ah in ilmuhu marka uu hurdo la’aan badan tirsanayo, ama uu qabo xanuun iyo kaar aanu waalidku ogeyn ama ka garaabin, ama xitaa marka uu ka soo bogsanayo xanuun iyo kaar helay ay ku keento is beddel dhinaca anshaxa iyo maskaxda ah, oo tusaale ahaan lagu arko anshax xumo aan looga baran, dabeecad xumo iyo qallafsanaan saayid ah.

–        Ilmuhu waxa uu u baahan yahay in la tuso kalgacal ficil iyo hadalba leh, in uu arko in la danaynayo, in waqtiyadiisa firaaqada looga faa’idaynayo farxadda iyo ciyaarta iyo socdaallada tamashlaha ah iyo sidoo kale in uu dareemo in waalidkii diyaar u yahay in uu daboolo baahiyaha uu tirsanayo. Arrimhaas haddii uu ilmuu dareemi waayana waxaa ku dhaca isbeddel nefsi ah iyo khalkhal acsaabta ah.

–        Waalidku waa in uu xasuusnaado awoodda iyo kartida ilmihiisu inta ay le’eg tahay. Tusaale ahaan ilma da’diisu ka yar tahay laba sano, ma’ awoodayo in uu waalidkii sida la rabo wax kasta uga maqlo una adeeco. Cilmi ahaan ayaanay taasi uba dhici Karin, waayo maskaxdiisa qaybteeda hore ayaa aan weli dhamaystirmin oo korniinkii wadda, inta ka horreysa da’da labaatanaadkana korniinkaasi waa uu soconaya.

Waalidku waa in uu fahmo in ilmuhu inta uu ku jiro da’da u dhexeysa 3 sano illaa 7 sano uu fahmi karo waxa lagu leeyahay, isla markaana isku dayi doono in uu naftiisa xakameeyo, oo uu iska ilaaliyo waxa waalidkii ama macallinkaka cadhaysiiyo, laakiin haddana isaga oo dadaalkaas ku jira dhamaystirnaan la’aanta maskaxdiisa qaybteeda hore awgeed ay dhacayso in marna uu naftiisa ka adkaado oo is xakameeyo marna ku fashilmo, sidaa awgeed dilmo uma baahna ee waxa uu u baahan yahay in marka uu is xakamayn kari waayo la xasuusiyo waxa ka dhiman iyo sida saxda ah ee ay tahay in uu u dhaqmo.

–        Marka aad la macaamilayso ilmo qaldamay, iska jir in ujeeddadaada aad ka dhigto in aad ciqaabto uun, balse xasuusnoow in ay tahay tarbiyadayn iyo anshax barid. Arrintani waxa ay iman kartaa uun marka uu ilmuhu garto xumaanta iyo qaladka ka dhashay ficilkiisa ee lagu haysto. Tusaale ahaan marka inta uu koobka quraaradda ah jebiyo, la tuso in waxaa jabay aanu dib u hagaagayn, kadibna isaga laga dalbado in burburka uu guro.

–        Arrinta ugu dambaysa ee muhiimka ahi waxa ay tahay in waalidku aanu diidmada ku badin dalabaadka ilmihiisa, haddii kale waxaa dhici in diidmadu ay qiimo la’aan ula muuqato ilmaha. Ku dadaal in marar badan waxa suurtogalka ah aad ilmahaaga ka aqbasho, kadibna bar in waxa aad diiddaa uu yahay wax aan isagana u fiicnayn. Tus in Maya waxa aad tidhaahdaa uu Maya ku dhammaado, oo haddana aanad mar kale ka noqon. Dhammaad