Twitter Oo Ka Digay Dowlado Cid Gaar Ah Adeegsanaya Oo Baadhanaya Akoonnada Shirkadaha Iyo Macaamiisha Kale

0
546

hhhhhhhhhhhWashington (Geeska)- Masuuliyiinta Bar-kulanka bulshada ee Twitter ayaa faafiyey digniin ku waajahan qaar ka mid ah macaamiishooda oo ay u sheegayaan in ay jiraan isku dayo ay dowlado dabada ka wadaan oo lagu doonayo in xog xasaasi ah laga helo akoonnada ay ku leeyihiin shabakadda Twitter.

Digniin uu Twitter Isniintii u diray macaamiishiidan akoonnadooda ay sirdoonnada  caalamiga ahi faraha kula jiraan ayaa lag sheegay in tiro yar oo ka mid ah akoonnadaas ay ciddaas gashay ka heshay xogo xasaasi ah. Qoraalkan Twitter uu macaamiishan sirdoonnadu akoonnadooda galeen u diray oo ah digniintii ugu horreysay nooceeda ee Twitter ku soo diro ayaa aan wax faahfaahina oo dheeraad ah la sii raacin, isla markaana aan la sheegin cidda akoonnadan gashay iyo dowladaha xog raadiska ah ee ciddaas adeegsanaya.

Arrintani waxa ay noqonaysaa digniintii u dambaysay ee sii xoojisa walaac isa soo taraya ee muddooyinkanba dadka adeegsada bar-kulannada bulshadu ay ka qabeen weerarrada isa so otaraya ee haayadaha ay dowladuhu soo dirsadeen ku baadhanayaan xisaabta iyo akoonnada ay leeyihiin dowlado kale, shirkado, warbaahin iyo xitaa shakhsiyaad loo dan leeyahay.