Dawladda Suuriya Oo Ogolaatay Inay Wada Hadalo La Gasho Mucaaradkeeda

0
515

Picture4Dowlada Siirya ayaa warar ay shaaciyeen lagu sheegay inay diyaar u yihiin shirka wadahadalka ee lagu wado bisha soo socota inuu ka dhaco magaalada Geneva.

Saxaafada Caalamka oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan dowlada Ruushka ayaa sheegay in xukuumada Bashaar Al-Assad ay diyaar u tahay inay wafdi u soo dirto shirka ay qaban qaabinayaan wadamada Maraykanka iyo Ruushka.

Mucaaridka dalka Siiriya ayaa dhankooda sheegay in aanay aqbali doonin in Madaxweyne Bashaar Al-Assad uu xukunka sii hayo, halka dowlada Siiriya ay sheegayso in aanay gor gortan geli Karin xilka Madaxweynaha.

Golaha Isbaheysiga Mucaaridka oo hada ku shiraya dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inay dhawaan soo saaraan qodobada ay ku xirayaan wadahadalka la doonayo in la dhex dhigo dhankooda iyo Dowlada Siiriya.