Xildhibaan Caga-yare Oo Ganacsatada & Bulshada Ugu Baaqay Inay Garab Istaagaan Ciyaartoyga Gobolka Maroodi-Jeex

0
544

Picture3Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cago-yare) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa, ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Bulshada ku nool Caasimada Hargeysa waxaanu  ugu baaqay inay hiil iyo hooba la garab istaagaan ciyaartoyda kala duwan ee Gobollka Maroodi-Jeex ee ka qab gali doona tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland oo toddobaadka soo socda si rasmi ah uga furmi doona garoonka weyn ee Hargeysa Stadium.

Xildhibaan Ismaaciil (Cago-yare) oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in ciyaartoyda kala duwan ee metali doona xulka Gobollka Maroodi-Jeex ay uga fadhiyaan Ganacsatada iyo Bulshada kala duwan ee caasimada inay dhinac kasta ka taageeraan “Waxaan ugu baaqaya Ganacsatada iyo Bulsho weynka ku dhaqan caasimada in ciyaartoyda Kubada Cagta, Kubada Kolayga, iyo Oradadu ay maanta idiinka fadhiyaan gacan laxaad leh, maaha in Gobollka Maroodi-Jeex uu Gobollada kale dhanka dhaqaalaha uu ka hooseeyo, waynu aragnaa Gobol kasta waxaa garab istaagaya oo wax kasta oo ay u baahan yihiin la garab taagan Ganacsatada Gobollada ay ka imayaana iyo Bulshada Gobollkaas, markaas waxaan farayaa dhamaan Ganacsatada iyo Bulshada Caasimada inay Gobollkooda hoos u eegaan oo ay taraan wax kasta oo ay tari karaan” ayuu yidhi Xildhibaan Cago-yare.

Dhanka kale waxa uu Bulsho weynta ku dhaqan Hargeysa uu ugu baaqay inay si meeqaam sare u soo dhaweeyaan Gobollada martida u noqon doona ee ka imanaya Gobollada kale ee ka qayb galaya tartanka Ciyaaraha Gobollada, isagoo xusay in sannadkan ay Hargeysi marti-gelin doonto 12 Goboll waxaana uu yidhi “Reer Hargeysa waxaa lagu yaqaana soo dhawayn saraysa oo ay kaga tilmaaman yihiin Gobollada kale, ana waxaan fursadan uga faa’idaysanayaa inay sidii loogu yaqaanay si ka wanaagsan ay u soo dhaweeyaan maadaama ay doorkan Gobollo intii hore ay iskugu iman doonaan caasimada”. Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi oo ka mid ah Xildhibaanada ugu cadcad Golaha Deegaanka ee Caasimada ayaa inta baddan jecel inuu garab istaago oo uu ka dhex muuqdo dhalinyarada kala duwan gaar ahaan bahda ciyaaraha.