Dawladda Maraykanka Oo Somaliland Ka Codsatay Inay Aqbasho In Budhcad Badeeda Lagu Maxkamadeeyo

1
828

 

 

maraykan akakaka kWashington(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka codsatay inay ogolaato in maxaabiista budhcad badeeda ah ee lagu qabto badaha lagu hayo xabsiyadeeda islamarkaana lagu maxkamadeeyo dalkeeda.

Ku simaha danjiraha Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay David B. Dunn  ayaa khudbad uu habeen hore ka jeediyay shir uu golaha ammaanku ka yeeshay arrimaha budhcad badeeda Somalida, wuxuu ka codsaday dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland inay fudueeyaan wax kasta oo muhiim u ah in budhcad badeeda lagu hayo xabsiyadooda, isagoo xusay inuu Maraykanku taageersanyahay in bulshada caalamku maalgeliso in xabsiyo heer caalami ah laga dhiso Somaliland iyo Puntland si loogu hayo budhcad badeeda.

Danjiraha dalka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Ambassador Vitaly Churkin, oo isna ka hor safiirka Maraykanka halkaas ka hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inay Somaliland iyo maamulada Somaliya ee Puntland iyo dawladda Sheekh Shariif diidaan in maxkamado laga dhiso deegaanadooda si loogu maxkamadeeyo budhcad badeeda, “Waa wax laga xumaado in sida ay warbixintani sheegayso, ay dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo maamullada gobollada ee Soomaaliya ay ka horjeesteen fikradda la xidhiidha Maxkamado ka dhan ah Budhcad-Badeedda,” ayuu yidhi ergaygan Ruushku.

Dawladda Somaliland ayaa hore u diiday in dalkeeda lagu maxkamadeeyo islamarkaana lagu hayo maxaabiista budhcad badeeda ah ee lagu soo qabto meelo ka baxsan biyaha Somaliland, waxase xabsiyada Somaliland ku jira budhcad badeed ay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ku soo qabteen iyagoo ku soo xad gudbay biyaha Somaliland.

 

Comments are closed.