Ciidamada Wajaale Ee Itoobiya Oo Xabsiga Jigjiga U Dhaadhiciyay Laba Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland

0
877

 

DSC08479Hargeysa(Geeska)-Ciidamada kililka shanaad ee Somalida Itoobiya ee ku sugan magaalada Wajaale ee dhinaca Itoobiya ayaa shalay qabtay laba askari oo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland oo markaas ku sugnaa daanta degmada Wajaale ee Itoobiya.

Labadaas askari ayaa la sheegay inay geedka jaadka ah u doonteen dhinaca Itoobiya ee Wajaale oo la sheegay inay ka jaad jabantahay dhinaca Somaliland, waxaana qabtay ciidamo la sheegay inay ka tirasnyihiin kuwa ismaamulka Somalida Itoobiya, waxaana loo dhaadhiciyay magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Somalida Itoobiya.

Labadaas askari oo marka la qabtay xidhnaa dirayska ciidamada qaranka ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Ismaaciil Hufane iyo Liibaan Cumar Warsame. Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Ciidamada labada dal ayaa si caadi ah uga adeegta suuqa labada daamood iyagoo xidhan dirayska ciidamada labada dal, laakiin waa markii labaad ee la xidho masuuliyiin iyo muwaadiniin reer Somaliland ah. Dhawaan ayay ciidamada Somaliland xidheen laba sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo lagu eedeeyay inay hawlo qayral sharci ah ka wadeen gudaha Wajaal ee dhinaca Somaliland, halka ay Itoobiyana kaga jawaabtay inay xidho baabuurka taliyaha sirdoonka Somaliland iyo baabuur ay wateen dad shicib ahi oo sifo sharci ah ku galay gudaha Itoobiya, kuwaas oo markii dambe la soo daayay.