Australia Oo Lagu Qaban Doono Dibad Bax La Mid Ah Isu Soo Bixii Dalka Ingiriska

0
706

 

AustraliaHargeysa(Geeska)-Dadwaynaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Australia ayaa ku baaqay inay samaynayaan isu soo baxyo balaadhan oo dawlada Australia lagu fahamsiiniyo Somaliland qadiyadeeda iyo waxay doonayso. Isu soo baxaas ayaa ay jaaliyadu ku damcsantahay inay ku hortagto baarlamaanka wadankaasi iyaga oo wata  calanka Jamuuriyada Somaliland iyo ka wadanka Australia.

Baanaan baxaas ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Melbourn,30-ka bishan Juun ee aynu ku jirno, sida uu shaaciyay gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee wadanka Australia Mr. Xasan Ibraahin. Gudoomiyaha ayaa dadwaynaa wadankaasi ku nool ugu baaqay inay isugu yimaadaan magaalada Melbourne iyaga oo isku duunban, si ay qadiyada Somaliland looga dhaadhiciyo dadwaynaa wadanka Australia iyo dowaldoodaba.

Isu soo baxani ayaa lagu wadaa inuu u dhaco sidii isu soo baxii ka dhacay aqalka Baarlamaanka ee  wadanka ingiriiska hortiisa, kaasi oo ay xildhibaanada wadanka ingiriisku si toosa u daawanayeen dalaba ah in Somaliland la’aqoonsado ee ka soo yeedhayay kumanaanka reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi.