Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Sheegtay In Kulankii Labada Madaxweyne Uu Ahaa Mida Dhabaha U Xaadhaya Dib U Heshiisiin

5
650

shariif_iyo_siilaanyo_5Dubia (Geeska) Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa markii u horaysay sheegtay in heshiiskii dhex maray Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Shariif Sheekh Axmed, uu ahaa mid albaabada u furayay dib u heshiisiin dihin oo ka dhacda Somaliya.

Safiirka dawladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan Qaramada Midoobay Danjire Cabdikhaalifq Bin Dhaar Al-yafey, wuxuu hadalkan ka sheegay ka hor furitaanka shirkii 12aad ee kooxda xidhiidhka Somaliya ee qaabilsan la dagaalanka budhcad badeeda oo ku qabsoomay magaalada Newyork ee Qaramada midoobay, waxaanu ku nuux-nuuxsaday in kulankaas labada Madaxweyne dhabaha u xaadhi doono wax uu ugu yeedhay dib u heshiisiinta Somaliya. “Marka la eego, Saxeexii cahdigii Dubai ee u dhexeeyay Madaxweyne Shariifka dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya iyo Madaxweyne Siilaanyaha Somaliland ee bar bar socday shirkii ku saabsanaa la dagaalanka budhcad badeeda ee Imaaraadka Carabta ku qabsoomay bishii Hore, wuxuu albaabada u furayaa  dib u heshiisiinta dihin iyo heshiis isfaham oo laga yeesho siyaasadda mustaqbalka Somaliya, waxaanay daawo u tahay xilligan cusub ee la galayo.” Ayuu yidhi safiirka dawladda Imaaraadka u qaabilsan Qaramada Midoobay, waxaanu hadalkiisani sii xoojinayaa hadalo tiro badan oo ay masuuliyiinta dawlada Imaaraadka Carabtu baahiyeen markii ay labada Madaxweyne ku kulmeen dalkooda, kaas oo ay ku cadeeyeen natiijada ay ka doonayeen wada hadalka Madaxweynayaasha Somaliya iyo Somaliland.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dawladaha Carbeed ee sida cad u sheega inaanay doonayn inay Somaliland noqoto dal madaxbanaan iyagoo ilaashanaya danahooda gaarka ah, waxaana markii la cayimay qabsoomida kulankii Madaxweyne Siilaanyo uu la yeeshay Sheekh Shariif, ay dad badani soo jeediyeen inay Somaliland dal kale ku bedelato inuu kulanku ka dhaco, maadaama oo si cad loo ogyahay mawqifka Imaaraadka Carabta ee qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Warkan oo uu Danjiraha ka soo xigtay Wargeyska Khaleej Times, wuxuu ku beegmayaa wakhti uu maalmo ka hor wasiirka arrimaha dibadda Somaliland sheegay inay Somaliland ka baxday wada hadalkii ay kula jirtay dawladda Somaliya.

Comments are closed.