Cabashada Muslimiinta Itoobiya Iyo Eedaha Ay Is Dhaafsanayaan Iyaga Iyo Xukuumadda Dalkoodu

0
758

Picture1Addis Ababa- (Geeska/Aljazeera)- Muslimiinta dalka Itoobiya ayaa ku eedanaya xukuumaddoodu in ay masuul ka tahay mudaharaaddo ay dhowaan abaabuleen, iyaga oo ku cabanaya in dawladdu ay dhiirrigelinayso waxa ay ugu yeedheen ururka Al-Axbaash oo dalka kaga hawlgala magaca jimciyadda Islaamiga ah ee Mashaariicda samo-falka.

Muslimiinta Itoobiya waxa ay ku doodayaan in ururkan huwan magaca hay’addu uu si sir ah muslimiinta Itoobiya ugu dhex faafinayo afkaar diiniya oo burburinaya, laakiin eedahaas oo dhan xukumadda Itoobiya waa ay iska fogaysay. Sheekh Abu Khaalid Muxamed oo madax u ah hay’ad kale oo samofal oo islaamiya ayaa mar uu shabakadda Aljazeera la hadlay waxa uu ku dooday in masuuliyiinta Itoobiya ay fidno ka dhex abuurayaan muslimiinta dalkaas si ay u gaadhaan ujeedooyin siyaasiya, iyo in mudaharaaddadii dhowaan muslimiintu ku kaceen ay ahaayeen kuo lagu doonayo in lagu saqiiriyo isku-daygaas oo uu ku sheegay mid aan dastuurka dalkaas waafaqsanayn,

Sheekh Abu Khaalid waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Muslimiinta Itoobiya waxa ay u dhaxeeyaan saddex miciyood oo kala ah, xukuumadda oo arrimahooda diineed farogelin ku haysa, Jamaacada Al-Axbaash oo xukuumadda garab ka helaysa iyo golaha sare ee Islaamka ee dalka Itoobiya oo iyaguna difaacaya” isaga oo golaha sare ee Islaamka dalkaas ku eedeeyey in ay laaluush u qaateen 280 Milyan oo bir oo u dhiganta 15 Milyan iyo badh doolar oo ay dhaafsadeen in ay faraha ka qaadaan hawlaha ururkan samofal ee jameecada Al-Axbaash.

Wadaad magaciisa lagu sheegay Sheekh Cali oo shabakadda Aljazeera la hadlay ayaa sheegay in markii ay arrimahani bilowga ahaayeen oo ahayd bishii December ee kal hore in ay xukuumadda ula xidhiidheen si ay wada hadal ugala yeeshaan oo looga hortago in rabshado huraan, laakiin ay xukuumaddu diiday in ay la kulanto wakiilada Muslimiinta.

Nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha muslimiinta oo lagu magacaabo Awl Wendhesa ayaa isna Aljazeera u sheegay in cadhada muslimiintu ay Addis Ababa ka bilaabatay muddo hadda laga joogo 8 bilood illaa haddana ay socoto, isaga oo arrintaas u sibir saaray xukuumadda oo waxba ka soo qaadi weyday dalabka muslimiinta, oo uu Abu Khaalid ku soo koobay afar qodob oo ah, In xukuumaddu ay farogelinta ka deyso arrimaha diinta ee muslimiinta, in muslimiinta xoriyad loo siiyo in ay iyagu soo doortaan golaha sare ee Islaamka dalkaas oo aanay xukuumaddu soo xulin, in dawladdu joojiso farogelinta ay ku hayso Masjidka lagu magacaabo Masjid Al-Awliyaa ee magaalada Addis Ababa iyo in kooxda Al-Axbaash ay joojiso tallaabooyinka ay qaadayaan ee Muslimiintu ka biyo diidday.

Si kastaba ha ahaato ee masuuliyiinta Itoobiya ayaa iyagu si adag u beeniyey eedaha ah in ay farogelin ku hayso arrimaha diinta ee Muslimiinta. Afhayeenka u hadlay xukuumadda Itoobiya oo lagu magacaabo Shi Milesi Kamaal ayaa beeniyey in booliiska Itoobiya uu gaasta dadka kaga ilmaysiiya u adeegsaday kala dareerinta mudaharaadada Muslimiintu ay soo abaabuleen. Waxa ay xukuumaddu dadka mudaharaadadan soo abaabulaya ku eedaysay in ay xidhiidh la leeyihiin ururka Alqaacida, waxa aanay sheegtay in dad afka soo duubtay oo dadka ugu baaqaya in rabshado la sameeyaa ay ka mid ahaayeen muslimiinta dibad baxyada wadday.

Xukuumaddu waxa kale oo ay iska fogeysay in ay wax xidhiidh ah la leedahay jamaacada Al-Axbaash iyo in ay  mabaadii’da kooxdaas garab siinayso, laakiin waxa ay ku hanjabtay in go’aankeedu yahay in ay ka hortagto in waxa ay ugu yeedhay Xag-jirka Islaamku uga soo tallaabo xuduudaha Sudan iyo Somalia oo la deris ah, waxa aanay mudaharaadadan ku tilmaamtay kuwo diinta loogu soo gabbanayo arrimo siyaasiya oo lagu doonayo in lagu af gembiy xukuumadda laguna khalkhaliyo amniga iyo xasiloonida dalka si dawlad Islaamiya dalka looga dhaliyo.