Itoobiya Oo Mar Kale Ka Hadashay Xaaladda Caafimaad Ee Meles Zenawi

1
643

 

 

malesHargeysa(Geeska)-Afhayeenka xukuumadda Itoobiya ayaa sheegay inuu Raysalwasaarihii dalkooda Mr. Meles Zenawi ku suganyahay xaalad wanaagsan oo caafimaad, waxaanu beeniyay warar sheegaya inay xaaladiisu sii xumaatay.Mr. Bereket Simon, afhayeenka xukuumadda Itoobiya, oo shalay u waramay qaybta Focus on Africa ee BBC-da dunida la hadasha, wuxuu ka gaabsaday inuu sheego halka uu Meles Zenawi ku suganyahay iyo weliba nooca xanuun ee laga dawaynayo, waxase uu sheegay inay xaaladiisa caafimaad wanaagsantahay. Waxaanu hadalkiisu yimid ka dib warar tiro badan oo ka soo baxaya xaaladda Meles Zenawi ee caafimaadkiisa oo ay wakaaladaha qaar baahiyeen inay liidato oo lagu dawaynayo dalka Beljam.

 

Mr. Bereket Simon oo ay idaacadu ku celcelisay inuu bixiyo faahfaahin ku saabsan caafimaadka Raysalwasaaraha iyo weliba halka uu joogo, wuxuu ku gaabsaday, “ma jirto faa’iido ku jirtaa.”

Meles Zenawi oo ay da’diisu tahay 57 jir, waxa si rasmi ah ay indhaha bulshadu u tabeen ka dib markii uu ka maqnaaday shirkii u dambeeyay ee uu ururka Midowga Afrika ku qabsaday magaalada Addis Ababa, waxaana markaas soo baxay warar kala duwan, iyadoo ay dadka qaar xaaladiisa ka dayriyeen. Laakiin Mr. Bereket Simon ayaa markasta la soo taagnaa inuu wararkan kaga jawaabo tiraab celin beenin ah, isagoo mucaaradka ku eedeeyay inay xaaladda caafimaad ee Raysalwasaaraha u adeegsanayaan dhinaca siyaasadda.

Comments are closed.