Xisbiga UCID Oo Si Adag Xukuumadda Ugu Cambaareeyay Shirkii Nayrobi Ee Ay Ka Qayb Gashay

0
641

Picture1USA(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ,ayaa canbaareeyay shirkii uu Keniya kaga qaybgalay wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu ku tilmaamay in uu gef weyn ku ahaa qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Xogahayha guud ee arimaha dibada Yuusuf Budle oo warsaxaafadeed arintan ka soo saaray ayaa waraysigii uu bixiyay shirkaas ka dib wasiirka arimaha dibada Somaliland ku tilmaamay mid aanu garan meeqaamkiisa iyo xilka uu qaranka u hayo uuna isla mid dhigay shirkado ganacsi oo Somaliland laga leeyahay. Waxaanu sheegay in xisbiga UCID aanu kula socon arinkaas xukuumada ayana Canbaaraynayaan.

War saxaafadeedkaas uu soo saaray xisbiga UCID oo dhamays tiran waxa uu waxa uu u dhignaa sidan “ Kadib markii aanu si qoto dheer u daba galnay shirkii uu sida gaarka/kelida ah uga qayb galay wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland  Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar ee ka dhacay Kenyatta International Conference Centre, 28-kii & 29kii May 2013 waxa aanu isla qaadanay in uu ahaa gef weyn oo meel ka dhac ku ah sumcadda iyo qaranimada Somaliland.

Waxa la yaab iyo kedis nagu noqotay ka dhex muuqashada uu wasiirku ka dhex muuqdo madal aan u qalmin Somaliland. Waa nasiib darro in uu wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland ka dhex muuqdo shir ay gudoominaysay, midida daabkeedana haysay dawladda Somaliya. Inaka oo mucaarid iyo muxaafidba diidnay shirkii weynaa ee dawladda weyn ee Britain inagu marti qaaday, inooguna fidisay casumaad sharafeed meeqaam kan ka sareeya leh. Arrinka diidmada ka qaybgalkii shirkii London  waxa uu si weyn uga cadhaysiiyay madaxda ugu saraysa ee dawladaha Britain iyo USA. Hanada, waxa nasiib darro ah in aan maanta dhex fadhiisano goob la iskugu yeedhay ganacsato yaryar iyo maamul goboleedyo yaryar.

Waxa nasiib darro ah in waraysigii uu wasiirku siiyay wargeyska dawladda Somaliland ee Dawan uu ku sheego in ay okay tahay in ay shirkan ka qayb galaan, maadaama ay joogeen shirkado ay ka mid yihiin Dababshiil iyo Liberty Shipping. Waxa aqoondaro weyn ah in uu kala saari kari waayo meeqaamka uu taagan yahay qaranka Somaliland iyo meeqaamka ay taagan tahay shirkad caalami ah, laakiin laga leeyahay Somaliland. Haddii aanu fahmin weli, Dahabshiil ganacsigeedu waxa uu ku xidhan yahay 85% dibedda Somaliland, sida Muqdisho, Puntland, Djibouti, Kenya, iwm.

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxa uu uga digayaa shicib weynaha Somaliland, gudo iyo dibedba aqoondarada dublimaasiyadeed ee sida suudha uga soo ifbaxaysa maalinba maalinta ka dambaysa maamulkii aynu ku aaminay hogaanka dalka. Waxa aanu dhamaanba shicibkayaga qiimaha leh ee Somaliland u sheegaynaa in aanaan raali ka ahayn meel ka dhaca joogtada ah iyo boholo-dheeraynta lagu hayo qadiyaddii Somaliland ee aynu usoo halagamaynay mudada 22-ka sanno ah.”