Danab Ku Dhacay Garoon Oo Dhaawacay Ciyaartoy – Waa Maxay Danab, Sidee Se Looga Hortegi Karaa Dhibtiisa

0
1148

Hargeysa (Geeska)- Danab ka dhashay roob ayaa dhaawac gaadhsiiyey laba ka mid ah ciyaartooyda kubadda cagta ee mid ah ka mid ah kooxaha dalka Jumaica oo ku guda jiray ciyaar. Labada ciyaartooy oo isku koox ahaa ayaa qayb ka ahaa ciyaar ay iskaga horyimaaddeen kooxaha Wilmer’s boys iyo Jamaica college.

Daqiiqadihii u dambeeyey ee ciyaarta ayaa mar keliya lagu warhelay labada ciyaartooy oo dhulka hoos ugu hoobtay, kaddib markii onkod iyo hillaac xoog badani ay dhaceen, taas oo sababtay in ciyaarta si degdeg ah loo joojiyo labada ciyaartoyna loola cararo gurmadka degdegga ah ee cisbitaalka.

Danabkan ku dhacay gudaha garoonka kubaddu ka socotay ayaa raad kaga tegey dhulka, waxa aanu dhibaato gaadhsiiyey ciyaartoy kale oo iyaguna labada kooxood ka tirsanaa. Kooxaha caafimaadka ayaa dalbaday in dhammaan ciyaartoyda, iyo dadkii kale ee ka agdhowaaba lagu sameeyo baadhitaanno caafimaad oo degdeg ah si loo ogaado in ay jirto dhibaato caafimaad oo uu danabku gaadhsiiyey.

Warkan oo ay faafisay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa intaas ku daraya in labada ciyaartoy oo miyir la’aa markii cisbitaalka la geeyey ay markii dambe soo miiraabeen kaddib markii loo sameeyey daweyn iyo daryeel caafimaad oo aad u xooggan.

Danabku waxa uu dhacaa marka qulqul koronto oo kedis ahi uu ka dhex dhasho daruurta oo leh koronto taban

(-) iyo shay kale oo korontaysan oo dhulka oogadiisa yaalla, ama dhulka laftiisa oo leh koronto togan (+), waxaana ka dhasha ilays isku xidhan dhulka illaa daruuraha oo ah waxa aynu ugu yeedhno hillaaca, iyo dhawaq daba socda oo aad u jabaqweyn kaas oo ay jabaqda aynu onkodka u naqaanno.

Hillacaasi haddii uu qofka bar bannaan ka helo waxa uu keeni karaa khatar, sidaa awgeed waxa ugu horreeya ee ay tahay in qofku ka fikiro haddii meel u dhow oo dhulka ah uu hillaacaasi ku dhaco, waa in uu ka hortago in qulqulkaas koronto uu jidhkiisa taabto, maadaama oo uu jidhka laftigiisu koronto gudbiye yahay.

Waxa ay khubaradu ku taliyaan in siyaabaha looga hortegi karo ay ka mid tahay in qofku uu si degdeg ah labada cagood isugu soo dhejiyo oo meel keliya oo dhulka ah ay wada taabtaan si aanay laba meelood oo dhulka ah ugu kala gudbin koronto isaga dhex marta, waana markaas marka ay khatartu imanayso. Waxa kale oo lagu taliyaa in qofku uu kadaloob u fadhiisto si aanu jidhkiisu hillaaca u soo jiidan. Waxa se khatar ah in uu qofku dhulka toos u fadhiisto ama in uu is tuuro oo dhulka uu jiifsado, waana markaas mararka ugu badan ee uu dhaawaca khatarta ah ama dhimashada keeno. Waxa iyaduna khatar ah in geed hoostii la istaago, waana sababta ay muhiim u tahay in marka roob da’ayo aan dhirta la hoos istaagin, waayo dhirta laftigeeda ayaa soo jiidata hillaaca, kaas oo marka uu geedka soo gaadho u sii gudbi kara qofka hoos taagan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here