Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Somaliland Ka Caawisay Qabashada Xubno Doonayay Inay Weeraro Ka Gaystaan Addis Ababa

0
829

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay dawladda Somaliland gacan ka siisay qabashada xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo doonayay inay weeraro argagixiso ka gaystaan gudaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay inay toddobaadkan qabteen xubno tiro badan oo ay sheegtay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab iyo  ISIS, oo ay ku eedeeyeen inay doonayaan inay weeraro qaraxyo ah ka gaystaan magaalada Addis Ababa. Qabashada xubnahaas iyo fashilinta hawlgalkooda ayaa xukuumadda Addis Ababa waxay sheegtay inay Itoobiya ka caawiyeen dalalka Maraykanka, Faransiiska, Spain, Somaliland iyo Djibouti.

Dawladda Somaliland ayay Itoobiya sheegtay inay gacan ka siisay qabashada laba xubnood oo ka yimid dalka Soomaaliya oo doonayay inay Hargeysa ka sii galaan dalka Itoobiya, si ay u caawiyaan xubno uga sii horeeyay oo joogay gudaha Itoobiya. Magacyada labada xubnood ee Hargeysa ay ku qabatay dawladda Somaliland ayay Itoobiya ku sheegtay inay kala yihiin Yishak Cali Aadan iyo Aadan Muxumed Maxamed oo loo yaqaano Aadan Boray, waxaana lagu qabtay hawlgal ay sirdoonka Somaliland ka fuliyeen hargeysa, kaas oo ay itoobiya sheegtay inuu fure u noqday fashilinta weerarrada.

Waxa ay dawladda Itoobiya warbixinteeda ku sheegtay in mid ka mid ah labada xubnood ee Hargeysa lagu qabtay Mr. Yishak Ali Aden laga helay ID Card uu magac kale oo ah Ibrahim Cali Aden ku sitay kaas oo ahaa kaadh Itoobiyaan ah oo laga bixiyay deegaanka Bohwareda, iyadoo Aadan Muxumed Maxamed isna lagu qabtay laba sanduuq xisaabeed oo ah baananka Itoobiya oo uu dhigtay lacag gaadhaysa 2.5 milyan dollar oo u dhiganta qiyaastii 85,000 dollar.

Koox kale oo uu hoggaaminayay Maxamed Cabdillaahi Dulet ayay Itoobiya sheegtay inay ka galeen dhinaca dalka Djibouti iyagoo Djibouti uga gudbay Addis Ababa, laakiin waxa lagu qabtay xaafadda Bole ee magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale nin ay isna magaciisa Itoobiya ku sheegtay Faa’id Abshir Yesuf oo isna maray Hargeysa, una gudbay Itoobiya ayaa isna lagu qabtay isla xaafadda Bole ee Addis Ababa.

Itoobiya ayaa dalalkan oo ay Somaliland ku jirto waxay uga mahadcelisay sida ay uga caawiyeen qabashada xubnahan iyo ka hortaga weeraradan, waxaanay Itoobiya soo bandhigtay muuqaalada eedaynayaasha la qabqabtay oo ay sheegtay in maxkamad la horgayn doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here