Muxuu Shaahu Maskaxdeenna Ku Sameeyaa?

0
1222

Singapore (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Singabuur ayaa lagu ogaaday in dadka da’doodu weyn tahay ee caadaysta in ay ugu yaraan toddobaad kasta afar jeer shaah cabbaan in qaab dhismeedkooda maskaxeed uu ka hawgudasho fiican yahay kuwa da’dooda ah ee aan shaaha cabbin.

Cilmibaadhis uu natiijadeeda faafiyey Joornaalka ‘Aging’ ayaa cilmibaadhayaasha sameeyey oo ka tirsan jaamacadda waddaniga ah ee Singabuur waxa ay sheegeen in hore loo ogaa in cabbista shaahu ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo ay ka mid tahay in qofka xaaladdiisa dabeecadeed ay wanaajiso, iyo in uu ka hortag ka noqon karo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Natiijada daraasad muddo dheer la waday oo soo baxday sannadkii 2017-kiina waxa ay muujisay in cabbista shaaha ee maalinlaha ahi ay suurtagal tahay in ay boqolkiiba 50 yarayso khatarta ah hoos ku dhac ku yimaadda garashada qofka da’diisu weyn tahay. iyada oo natiijada daraasaddan u damaysayna ay ka marag kacayso in shaahu uu raad toos ah ku leeyahay shabakadaha maskaxda.

Daraasaddan ayaa muddadii ay socotay waxaa tijaabadeeda lagu qaaday 36 qof oo celceliska da’doodu ay 60 sano jir iyo ka weyn tahay. dadkaas ayaa si gaar ah ay xeeldheereyaashu dabagal iyo baadhis ugu sameeyeen xaaladdooda caafimaad ee jidhka iyo nafsadda iyo sida oo kale hab nololeedkooda. Waxaana ka soo baxday natiijada ah in dadka caadaysta cabbista shaaha cagaaran ama shaaha madow ugu yaraan afar jeer toddobaadkii, muddo 25 sannadood kaddib ah in la arkay isku xidhnaanta shabakadaha maskaxdooda oo sidii hore aad uga sii tayo iyo firfircooni badan, iyo in caafimaadka shaqo ee maskaxdoodu ay sii fiicnaatay.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in cabbista shaahu ay nidaamiso shaqada qaybaha kala duwan ee maskaxda, taasna ay ka dhalanayso in ay wanaagsanaato shaqada maskaxda ee xoojinaysa garashada, gaar ahaan marka la barbar dhigo dadka aan iyagu shaaha cabbin.

Warbixin ay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadool ka qortay natiijada daraasaddan ayaa ay Feng Lee oo ah bare-sare oo jaamacadeed ka soo xigatay in isaga oo natiijada daraasaddan faahfaahin ka bixinaya uu sheegay in ay tahay caddayn hor leh oo inta tusaysa kaalinta toga nee cabbista shaahu ay ku leedahay shaqada iyo dhismaha maskaxda. Iyo in si joogto ah oo shaaha loo cabbaa ay ka hortag u noqon karto hoos u dhaca marka qofku weynaado ku yimaadda shaqada maskaxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here