Dalka Burnei Oo Dhaqangeliyey Xeerarka Shareecada Islaamka Ee Dhagax Ku Dilka Dadka Sinaysta

0
1500

Bandar Seri Begawan (Geeska)- Wargeysyada The Telegraph iyo The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa faafiyey war ay ku sheegeen in Saldanadda Burunaay ay toddobaadka foodda innagu soo haya dhaqangelinayso xeerar ciqaabeed dhigaya in qofka xaasleyda ah ee sinaysta iyo qofka wax mooda qof ay isku jinsi yihiin dhagax lagu dilo iyo in gacanta laga jaro tuugga. Warku waxa uu sheegay in Suldaan Xasan Balqiyah oo dalkaas hoggaamiyaa uu saddexda bisha Abriil dadweynaha u jeedin doono khudbad arrintan la xidhiidha, markaas oo uu ku dhawaaqi doono dhaqangelinta xeerarkan ku salaysan shareecada Islaamka. Laguna dhiqi doono dadka muslimiinta ah ee dalkaas oo keliya.

Is-doonista dadka isku jinsiga ah ayaa marka horeba sharci darro ka ahaa dalkaas, laakiin hadda waxaa is beddelaya in falkaas loo aqoonsan doono dembi weyn oo ciqaabtiisu ay dil noqonayso.

Wargeyska The Daily Telegraph waxa uu sheegay in durba ay hay’ado kala duwan oo caalami ah, gaar ahaan kuwa u dooda xuquuqda aadanuhu bilaabeen dadaallo ay doonayaan in ay dawladda dalkaas ku qanciyaan in aan la dhaqangelin xeerarkan.

Shabakadda wararka ee ABC News ayaa ku warrantay in dalka Burunaay uu hore sannadkii 2014 kii ku dhawaaqay in uu dhaqangelinayo saddex xeer ciqaabeed oo ku salaysan shareecada Islaamka, kuwaas oo kala ahaa; in ganaax iyo xabsi lagu ciqaabo gabadha iyada oo aan xaas lahayn uuraysata, in salaadda jimcaha la joojiyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi oo dhammaan raggu ay masaajidda tagaan iyo in la mamnuuco iibka maandooriyaha, ciqaab adagna la saaro cidda si muuqata ugu dabbaal degaha ciidaka Kiristaanka. Xukunnadaas waxaa laga reebay ciqaabta dhagax ku dilka qofka xaaska leh ee sinaysta iyo in gacanta laga jaro tuugga, kaddib markii uu cadaadis badani ka yimi dunida reer galbeedka iyo hay’adaha sheega in ay u doodaan xuquuqda aadanaha.

Saldanadda Burunaay oo dhex dhacda labada dal ee Indooniisiya iyo Malaysiya waa boqortooyo muslim ah oo dadka deggeni 450 kun oo ruux oo keliya ay yihiin. Dadka Burunaay asalkoodu boqolkiiba 67 waa Malaay la isir ah dadka dega Malaysiya waana muslimiin sunni ah, inta soo hadhayna waa Shiine iyo isirro kale oo badankoodu kiristaan ah. Dhaqaalaha ugu badan ee dalku waxa uu ka soo baxaa shidaalka badda laga qodo, beeraha iyo dalxiiska, waxaa intaas dheer wax soo saar warshadeed maalgashi ah oo dalkaas aad ugu badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here