Qisada Gabadh Aan Dareenka Damqashada Lahayn Oo Abidkeedba Aan Kaarka Xanuunka Dareemin

0
1446

London (Geeska)- Markii ay Jo Cameron oo 65 sano jir ahi wax ku karsanaysay Moofada korontada ku shaqayso ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Oven’ ma’ay fahamsanayd in dabka ay wax ku karinaysaa uu cunayo jidhkeeda, balse waxa ay goor dambe ku baraarugta urta hilibka gubanaya, oo aanay hore u garan halka ay ka imanayso.

Jo Cameron sida oo kale ma’ay ogeyn in ay tahay mid ka mid ah laba qof oo keliya oo inta la ogyahay adduunkan soo maray oo leh hidde side dhif ah oo awood u leh in uu xanuunka iyo karaka iska caabbiyo. Haddii aynu si kale u dhignana aan lahayn awood uu xanuunka jira ugu gudbiyo maskaxda. Sidaa awgeed, ma’ dareemaan kaar iyo nooc kasta oo xanuun ah, mana dareemaan walbahaar, cabsi iyo xaalad nafsi ah midna.

Xaaladdani Jo ma’ay shaki gelin, waxa ay u aragtay calaamad muujinaysa caafimaad buuxa iyo in awoodda iska caabbinta xanuunka ee jidhkeedu aad u sarrayso. Xitaa lama ay yaabin markii ay aragtay in xilliga foosha aanay dareemin xanuun. Inkasta oo ay sheegtay in ay yaabi jirtay in marka ay umulayso aanay haba yaraato ee xanuun dareemin, “Waaban ku raaxaysan jiray dhalmada” ayaa ay tidhi mar ay arrintaas ka hadashay.

Jo xaaladdan iskuma ay ogaan illaa ay 65 sano jir gaadhay, markaas oo qalniin aad u khatar badan lagu sameeyey iyada oo aan la siinin dawooyinka kaarjebinta ah iyo dawada suuxinta qofka ah, kaddib markii ay dhakhaatiirtu ogaadeen in aanay u baahnayn dawadaas maadaama oo aanay xanuunba dareemin.

Tijaabooyin badan oo lagu sameeyey kaddib, waxa ay saynisyahannadu ogaadeen in Jo Cameron ay leedahay hidde side u diidaya damqashada iyo dareemiska karaka ee uu qofka caadiga ahi dareemo.

Jo oo deggen magaalada Inverness ee woqooyiga Scotland ayaa idaacadda BBC laanteeda Afka Ingiriisiga u sheegtay in dhakhaatiirtu ay rumaysan waayeen markii ay u sheegtay in aanay xanuunka dareemin, sidaa awgeed aanay marka la qalayo u baahnayn suuxin ama dawooyin kaar jebin ah. Laakiin hadda oo ay muddo dheer xaaladdan ku soo jirtay waxa ay dareemaysaa in aanay caafimaad ahayn ee ay tahay nooc cudur ah, waxa ay dareemaysaa in xanuunka laftigiisa uu aadamuhu u baahan yahay, waxa ay qiraysaa in dareenka xanuunku uu yahay dareen aan macno darro qofka ugu abuurnayn, ugu yaraan waa diginin qofka ku beeran, oo dhibta soo gaadhaa inta aanay sii xumaan dareensinaya in uu dhakhtar gaadho, ama in uu ka digtoonaado. Waxa uu dareenkaasi si aad ah ugu sii beermay markii ay ku dhacday in iyada oo jidhkeedu gubanayo aanay dareemin, illaa uu hilibkii bislaadau oo urtiisa ay dareentay. Waxa ay sheegtay in mararka qaarkood ay muddo iska socoto iyada oo xanuun dareemaysa, mar dambe oo ay kici kari weydo oo xaalku aad u durkayna ay ogaato in ay xanuunsanayso.

Si kastaba ha ahaato ee dhakhaatiirta baadhista ku samaysay gabadhani waxa ay sheegayaan in awooddeeda ka bogsashada xanuunnadu ay aad uga sarrayso dadka caadiga ah. Markii ay sababta baadheenna waxa ay ogaadeen in ay ka mid tahay xaaladdeeda nafsiga ah oo caawinaysa ka bogsashada xanuunka, maadaama oo dareenka nafsiga ahi qayb ka yahay ka bogsashada xanuunka. Jo Cameron maadaama oo aanay xanuun dareemayn kuma badna warwarka iyo walbahaarka qofka caadiga ah soo foodsaara marka uu xanuun hayo.

Jo waxa ay sheegtay in weligeedba ay dadku la yaabi jireen farxaddeeda joogtada ah iyo illowshiyaheeda dhibta, laakiin maanta ay dareentay in xaalad caafimaad darro ay tahay.

Waxa ay imika xeeldheereyaasha caafimaadku wadaan dadaal ay doonayaan in ay si dhab ah u daraaseeyaan sababaha runta ah ee keenay in aanay shaqayn dareen-wadayaasha maskaxda u gudbiya xanuunka. Waxa ay cilmibaadhayaashu doonayaan in ay gabadhan ku sameeyaan daraasado ay filayaan in ay ka soo bixi karaan habab cilmiya oo looga faa’iidaysan karo in la soo saaro dawooyin qofka xanuunka illowsiiya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here