Labaatan Wadan Iyo Laba Urur Oo Caalami Ah Oo U Sacabo Tumay Wada Hadalkii Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo

0
953

Hargeysa(Geeska)-Labaatan (20) dal iyo afar oo caalami iyo heer gobal isugu jira ayaa si weyn ugu sacabo tumay wada hadalkii Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku dhex maray dalka Djibouti.

20-ka dal iyo 4ta urur ayaa sheegay inay wada hadalada labada madaxweyne u arkaan talaabo hore loo qaaday. War-murtiyeed kooban oo ay soo saareen waxay ku yidhaahdeen sidan “Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ee hoos ku qorani,  waxay soo dhawaynayaan wada hadalka dhex maray Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee uu martigeliyay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo uu kala qayb galay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Waxaanu bogaadinaynaa taageerada gobalka iyo wada shaqaynta keentay wada hadalada.

Waxaanu soo dhawaynanaa kulamada oo ahtalaabo muhiim ah oo xoojinaysa war isgaadhsiinta iyo kobcinta isfahamka, waxaanan ku dhiirigelinaynaa guddiyada farsamo ee aymadaxdu magacowday inay dadkooda gaadhsiiyaan faa’iidooyin la taaban karo.

Dalalka iyo wadamada ayaa kala ah kuwan:

  1. African Union Mission in Somalia (AMISOM),
  2. Belgium,
  3. Canada,
  4. China,
  5. Denmark,
  6. Ethiopia,
  7. European Union,
  8. Finland,
  9. France,
  10. Germany,
  11. Intergovernmental Authority on Development (IGAD),
  12. Ireland,
  13. Italy,
  14. Japan,
  15. Netherlands,
  16. Norway, 
  17. Poland,
  18. Sweden,
  19. Switzerland,
  20. Turkey,
  21. Uganda,
  22. United Kingdom,
  23. United States,
  24. United Nations.