Sababaha keena in harraadku soo noqnoqdo: Diyaariye Kamaal Ahmed Ali

0
592

 

kamaalHarraadku waa dareen abuur ah oo si siman noolaha oo dhan ugu riixa in uu cabbo biyaha oo cilmi ahaan la aaminsan yihiin in ay yihiin halbawlaha nolosha. Biyuhu waxa ay isu dheelli tirnaan xaddiga iyo heerka milixda iyo macdanaha kale ee jidhka. In qofku uu maalin kasta biyo cabbaa waxa ay jidhka siisaa xaddi ku filan oo ah dareeraha.

 

Haddii uu khalkhal ku dhaco xaddiga milixda ama biyaha ee jidhka ku jira waxa uu khalkhal ku dhacaa isu dheelli tirnaanta miisaanka qaybo ka mid ah maskaxda, waana markaas marka uu qofku dareemo harraadka iyo shucuur ku dhiirrigelinaysa in uu biyo raadsado. Haddaba waxaa jira xaalado ay dhacdo in qofka uu qabto harraad ku soo noqnoda, taas oo macnaheedu yahay in ay jirto mushkilad caafimaad darro. Cilmi baadhayaal ka tirsan Rugta caafimaadka qaranka ee Maraykanka ayaa daraasado ay arrintan ku sameeyeen kadib soo bandhigay qodobbo caafimaadka la xidhiidha oo ay sheegeen in ay sabab u yihiin harraadka soo noqnoqda. Waxaana qodobbadaas ka mid ah:

1- Xanuunka macaanka: Haddii uu qofku qabo cudurka macaanka, gaar ahaan marka uu jiro khalkhal dhinaca heerka macaanka dhiigga ku jira ahi waxa uu qofku si joogto ah u dareemaa harraad aan biyaha uu cabbayo ku hadhin. Sidaa awgeed qofka harraadka badani waa in uu iska baadho macaan.

2- Cunista cuntooyinka milixdu ku badan tahay.

3- Dhiig baxa: haddii qofka uu soo gaadho dhaawac keena in dhiig fara badani ka qubto waxa ay ku keentaa harraad badan oo soo noqnoqda illaa xaddiga dhiigga ee ka maqani buuxsamayo. Sidoo kale dhiig la’aantu waxa ay keentaa harraad badan. Waana arrin muhiim ah in qofka harraadka badani uu baadho xaddiga dhiigiisa.

4- Daawooyinka qaar: Daawooyinka ay ka mid yihiin kuwa loo isticmaalo badinta kaadida ayaa keena harraad badan iyo in uu jidhku u baahdo biyo.

5- Xaddiga dareeraha iyo milixda ee jidha ku jira oo yaraada, tusaale ahaan qofka oo xilli cimiladu kulushay qabta shaqo muruq ah oo adag, ama xataa qofka oo jooga meel kulul oo sababta in dhidid badani ka yimaaddo, qofka oo shubma ama matag badan yeesha ama ugu yaraan qofka oo cabbi waaya xaddiga biyood ee uu jidhkiisu u baahan yahay.

6. Gubashada: maqaarka sare oo meelo badan ka gubtaa waxa ay lumisaa biyihii jidhka ku jiray waxa aanay keentaa in qofku uu harraad badan yeesho.