Dal Magaciisa Beddelaya Kaddib Markii Dal Kale Uu Ka Codsaday Sidaas Iyo Sababta Keentay

0
1173

Skopje (Geeska)- Dalka Giriigga ayaa dalka dhinaca woqooyi deriska kala ah ee Masadooniya (Macedonia) la galay heshiis dhigaya in maga dastuuriga ah ee dalkaas laga beddelo sida uu hadda u dhigan yahay ee ah Masadooniya, looba beddelo jamhuuriyadda Masadooniya.

Dalka Masadooniya oo dawladnimo madaxbannaan ku dhawaaqay sannadkii 1991kii markii uu burburay dalka Yuguslaafiya, ayaa muddadaas 27 ka sano ah ee uu jiray muran adag oo dhinaca magaca uu la baxay ahi u dhexeeyey dalka ay deriska yihiin ee Giriigga, oo ka baqanayey in magacaasi uu aakhirka keeno in dalka Masadooniya uu mustaqbalka fog muran geliyo dhulka lahaanshiyaha gobal lagu magacaabo Masadooniya oo ku yaalla woqooyi Giriigga oo ah xadka dalkan cusub ka dhexeeya.

Murankan magacan ayaa sida oo kale sabab u ahaa in dalka Giriiggu uu si adag uga hor yimaaddo in dalka Masadooniya lagu daro ururka Midowga Yurub iyo weliba Gaashaanbuurta NATO, isaga oo u arkayey in haddii isaga oo magacan leh lagu daro hay’adahan caalamiga ah ay keeni doonto in magacu sidaas rasmi ugu noqdo dalkan.

Heshiiskan hadda labada dal dhex maray ayaa dhigaya in dalkan oo hadda magaciisa rasmiga ah ee Qaramada Midoobey uu xubinta kaga yahay uu yahay, ‘Jamhuuriyadda Masadooniya’ in loo beddelo ‘Jamhuuriyadda Masadooniyada woqooyi’ laakiin afka ay ku hadlaan uu sii ahaan doono Masoodini, dadkeeduna noqon doonaan Masadooniyiin.

Waxa uu heshiiskani dhigayaa in magacan cusubi uu noqdo ka rasmiga ah ee ay dalka Masadooniya kula macaamili doonaan dalalka 140 ka tiradoodu ka badan tahay ee dalkan aqoonsan xidhiidhka diblumaasiyadeedna la’ leh.

Intii uu murankan jiitamay socday ayaa marar badan looga codsaday in midkood magaca beddelo, oo Giriiggu uu beddelo magaca gobalkan, haddii kale dalka Masadooniya ka guuro magacaas, haddii kale mid kastaa magacan lammaaneeyo oo magac kale uu ku ladho sida hadda dhacday.

Ku dhawaaqistii dalka Masadooniya ka hor, meesha keliya ee magacan loo yaqaannay waxa ay ahayd gobalka Masadooniya ee woqooyiga Giriigga, oo ay ku taallo magaalo xeebeedda dekedda muhiimka ah leh ee Thessaloniki oo sida oo kalana ah magaalo madaxda labaad ee ugu weyn dalkaas. laakiin tan iyo markii lagu dhawaaqay jamhuuriyaddan cusub, waxaa soo baxayey shaki laga qabo in uu jiro damac qarsoon oo ay Masadooniya ku doonayso in ay ugu dambaysta sheegato gobalka Masadooniya oo dadka deggeni la isir yihiin dadka deggen dhulkeeda. Waxa aanu shakigu sii xoogaystay markii Jamhuuriyadda cusub ee Masadooniya ay gegideeda diyaaradaha ee caasimadda ku yaalla iyo jid muhiim ah oo isku xidha Seerbiya iyo Giriigga u bixisay magaca ‘Alexander kii weynaa’ ninkaas taariikhdiisu ahayd qarnigii 14-naad oo isir ahaan dhulkan ka soo jeeday laakiin taariikh ahaan raacsan dalka Giriigga oo u aqoonsan halyeey giriig ah.

Markii dalka Masadooniya uu ku biiray Qaramada Midoobey waxaa si adag uga horyimi dalka Giriigga oo diiday in magacaas loo qaato, waana ta keentay in markii dambe markii la diiwaangelinayey magaca ‘Jamhuuriyadda Masadooniya’ hoosta laga raaciyo qeexid ah, ‘Jamhuuriyaddii Masadooniya ee hore u ahaan jirtay Yuguslaafiya’ taas oo marag u ah in dhulka loo aqoonsaday uu yahay keliya kii ay ka dhaxashay dalkii ay ka soo go’day ee Yuguslaafiyadii burburtay. Laakiin dalalka dunida ee aqoonsani dhammaantood waxa ay kula macaamili jireen magaca ‘Jamhuuriyadda Masadooniya’.

Waxa kale oo heshiiskan cusub ka mid ah in gegida diyaaradaha ee Masadooniya laga beddelo magaca Alexander iyo in jidkii isku xidhayey Seerbiay iyo Giriigga isna magaca ninkan laga beddelo oo hadda kaddib laga dhigo, ‘Jidka Saaxiibtinimada’.

Waxaa la filayaa in dawladda Masadooniay ay dhowaan qaadi doonto afti dadweyne oo muwaadiniinta laga codsanayo in ay aqbalaan beddelaadda lagu sameeyey magacii dastuuriga ahaa ee ‘Jamhuuriyadda Masadooniya’ oo hadda kaddib noqon doono ‘Jamhuuriyadda Woqooyiga Masadooniya’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here