Wasiiro Ka Tirsanaa Xukuumaddii Siillaanyo Oo Beesha Caalamka Farriimo U Diray

30
2942

Hargeysa (Geeska)-Wasiiradii hore ee Qorshaynta iyo warfaafinta xukuumadii madaxweyne Siilaanyo  Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) iyo  Cismaan Cabdilaahi Saxariid Cadaani ,  ayaa sheegay in aanay sinaba suuragal ku noqon karin inay Somaliland ka mid noqoto Somaliya, waxayna beesha Caalamka ugu baaqeen in aanay xaqirin jiritaanka Somaliland ee dawladnimadeeda aqoonsadaan.

Wasiiradan oo u warmaayay  wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horayntii waxa uu Cismaan Cabdilaahi Saxariid Cadaani wasiirkii hore warfaafintu wuxuu yidhi “Maanta dalkeena Dimuqraadiyada ka jirta, Nabada ka jirta iyo nidaamka dawladnimo ee ka jira,iskamay iman ee inaga ayaa sameeysanay, dalkeena waxa ka dhacay doorashooyin kala duwan, oo ah doorashooyin Madaxtooyo, Doorashooyin Golle Deegaan iyo Doorasho Baarlamaan, oo dadku iskood u dooranayeen hadba cida ay rabaan, waxaana xaqiiqo ah Somaliya oo aynu isku biirnay, dibna aynu ugala soo laabanay dawladnimadeenii, in aanay ilaa hadda gaadhin halkaynu gaadhnay, sidaas oo ay tahay sinaba suurtagal uma ah inaynu dib dambe ula midoowno Somaliya, mana haboona in maamulka Somaliya ka taliyaa ay isku mashquuliyaan Somaliland, laakiin waxaan leeyahay Maamulka Somaliya, inta aad ku mashquulsan tihiin Somaliland dhibaatooyinka dalkiina ka taagan ee u baahan in wax laga qabto, wax ka qabta, jiritaanka Somaliland waa mid lama taabtaan ah, Caalamkuna waa inuu aqoonsiga nagaga xidhan na siiya, maxa yeelay shuruud kasta oo Wadan looga baahnaa waanu buuxinay”

Wasiirkii hore ee wasaaradda Qorsheynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ayaa sida oo kale yidhi “Inagu Somaliland ahaan dawladnimadii weynu dhamaystirnay, wax inaga dhimani ma jirto, doorashooyin xor iyo xalaal ah ayaa dalkeena ka hirgalay, dimuqraadiyadii ayaa ka hirgashay, wax kasta oo dal looga baahnaa weynu qabsanay, maanta waxaynu taagan nahay halkii ugu sareeysay iyo baarkii, markaas waxa qudha ee maanta inaga dhimani waa Aqoonsi qudha, insha allaahna aqoonsigana weynu heli doonaa ee muhiimada ayaa ah aynu dadaalno, sababtoo ah maanta waxa inoo hirgalay, Wadamo badan oo la aqoonsan yahay oo aanay u hirgelin ayaa jira”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here