Midowga Yurub Iyo Qaramada Midoobay Oo Xalay Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Ay Somaliland Gashay, Dhinacyadana Ugu Baaqay Inay Is Xakameeyaan

0
654

Picture221Hargeysa(Geeska)-Beesha caalamka ayaa xalay si adag uga digtay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland ka jira, waxaanay ku baaqeen in la is xakameeyo.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Nicholas Kay, ayaa warsaxaafadeed uu xalay niskii dambe soo saaray wuxuu walaac kaga muujiyay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland. “Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midobay Nicholas Kay wuxuu walaac ka muujiyay rabshadaha dhacay 15 November, iyadoo lagu gudo jiray u diyaar garowga doorashoyinka Baarlamaanka Somaliland. Waxa jira warar sheegaya in xubno baarlamaan ah la xidhay, iyadoo ay rabashaduhuna sababeen khasaare dhawr ah.” Ayuu yidhi warsaaafadeedku.

Waxa intaas la raaciyay oo uu yidhi Danjire Nicholas Kay “Somaliland waxay horumar ka samaysay dhinaca doroashooyinka dimuqraadiga ah, rabashaduhuna waxay khatar gelinayaan guulaha la gaadhay. Waxaan dhinacyada oo dhan ugu baaqayaa inay awoodooda xakamadeeyaan. Waa in jidka Diqmuraadiyada si buuxda loo ixtiraamaa.”

Ergayga Midowga Yurub Mr. MicheleCervoned'Urso, ayaa isna qoraal kooban oo uu geliyay barta uu twitterka ku leeyahay wuxuu ku yidhi sidan “Midowga Yurub wuxuu ka walaacsanyahay xiisadaha kor u sii kacaya ee Baarlamaanka Somaliland. Waxaanu dhinacyada oo dhan ugu baaqaynaa inay is xakameeyaan oo ay oofiyaan balan qaadkoodii doorashooyinka 2015-la”

Warbixinta xaaladihii

shalay ee Somaliland

Shalay subax arroornimadii hore ayaa ay ahayd markii ay shacbiga reer Somaliland,gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Hargeysa ay ku waabariisteen ciidamada Booliska,ciidanka Asluubta iyo kuwa RRU-da oo xidhay gabi ahaanba jidadka waawayn ee gala xarunta aqalka Baarlamaanka Somaliland,oo muran aad u adagi uu ka dhex taagnaa xildhibaanada aqalka golaha wakiilada Somaliland,isla mar ahaantaana ay xildhibaanada muxaafadka ah ee aqalka wakiiladu wadeen mooshin xilka laga’ga xayuubinaayo guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Ka hor intii aan fadhiga golaha aqalka wakiilada la furin ayaa guddoomiyaha aqalka wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),waxaa uu sheegay in aanu golaha furi doonin illaa inta golaha dib loogu soo celinaayo xoriyadiisii uu lahaa. "Waxaan shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo bulshada caalamkaba ku wargelinayaa,in golahii jamhuuriyada Somaliland ay ciidan qabsadeen,ciidankiina la soo badiyey tiradiisa,waxaa kale oo ay wararku sheegayan in dhamaanba ciidamada amaanka oo ay ku jiraan ciidamada qaranka in la hawl galiyey saaka,si loo dhamaystiro haysashada golaha wakiilada,iyo cabudhinta shacbiga reer Somaliland,golahii xasaanadiisii iyo sharcigiisii dastuuriga ahaa waxaa la wareegay Xukuumada,oo maanta sida ay ugu tala galeen golahu waxaa uu ka mid yahay xukuumada Somaliland,maadaama xaaladaas uu ku jiro oo golahii la haysto,oo ciidankii aan watay Hotel Emperial lagu joojiyey maanta lagu amray in ay hubka dhigaan,lana xidh xidho saaka,waxaan shacbiga u sheegayaa in golahu uu furmo ayaa ay ahayd saaka,xaalada uu ku jiro golahu in aanu ku furmi karin,illaa loo soo celiyo xoriyadiisii,iyo xasaanadiisii dastuuriga ahayd"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Xildhibaanada mucaaradka ah ee la dhanka ah guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa iyaguna waxaa ay sheegeen in aanay fadhiga aqalka golaha wakiilada ka soo xaadiri doonin,iyaga oo sheegay in talaabada ay wadaan xildhibaanada ka soo hor jeeda ay tahay talaabo sharci darro ah,isla mar ahaantaan dhaawac ugaysan karta qaranka Somaliland.

Waxaa kale oo iyaguna isla wakhtigaas ay xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo ka soo jeeda gobalka awdal oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ay iyaguna sheegeen in aanay ku jirin mooshinka guddoomiye Cirro xilka lagaga qaadayo,iyaga oo markii horena ka tirsanaa xildhibaanada mooshinkan waday.sidaas daraadeedna  aanay ka soo qayb gali doonin fadhiga golaha wakiilada ee xilka lagaga qaadayo guddoomiye Cirro.

Intaa kadib,wakhti dheer oo ay xildhibaanada muxaafadka ah ee mooshinka waday ay isa-sugaayeen,sida oo kalena ay xildhibaanada ka maqan ay taleefano u kula hadleen si ay u soo fadhiga uga xaadiraan ayaa ay fadhigii caadiga ahaa ay furteen xildhibaanada muxaafadka ah ee mooshinka watay,waxaana shir guddoominaayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxamed Faarax,iyada oo ay sida oo kalena ay fadhiga ka soo xaadireen 40-Mudane oo ka tirsan xildhibaanada aqalka wakiilada Somaliland.

Isla-wakhtigii uu guddoomiye ku xigeenka koowad ee golaha wakiiladu uu furay fadhiga aqalka wakiilada ayaa si lama filaan ah waxaa markiiba gudaha xarunta aqalka wakiilada u soo galay Ergo uu hogaaminaayo guddoomiyaha aqalka golaha guurtida Somaliland Md:Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay ka mid ahaayeen,guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada,Xaaji Cabdikariim Xusseen(Cabdi-waraabe),xildhibaan iyo guurti kale oo aad u tira badan.waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in ay si wada jir ah ay doonayaan in ay golaha ula hadlaan. "Waar masuuliyiin ayaad tihiine masuuliyiin qaran noqda,waar culays ayaa idin saaran,agoomo ayaa idin sugaaya,curyaamiin ayaa idin sugaysa dabka aad kicinaysaan nin la riday ku eekaan maayo,fidmo huruda ninka toosiya nacdal ayaa nabigii ku soo dajiyey,waxaan idin leenahay waxii arrin ah ee kale ha inoo dambeeyaane,joojiya wax la rido,waataynu guddoon sanay ee aynu halkan ku guddoonsanay in aan intaa yar ee u hadhay aan cidna mooshin lagu keenin,waar balankaas yaan la illaabin"Ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe oo halkaasi ka hadlay.

balse waxaa markiiba ku gacan saydhay arrintaas guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Md:Baashe Maxamed Faarax oo sheegay in golahu uu hawl leeyahay,haba-yaraatee wax ay ka aqbalayaan guurtidana aanay jirin,isaga oo carabka ku dhuftay in ay tagaan golaha ay ka taliyaan oo aanay soo dhex galin arrimaha u gaarka ah golahooda.

Arrintan ayaa markiiba waxaa ay noqotay mid dareen xamaasadaysan dhalisa iyada oo aanay wali halkaasi ka dhex bixin Odayaashii Ergada ahaa oo wali aanay ka quusan Ergada ay wadaan,waxaana ay mar walba si aada ugu celcelinayeen in dananayaan danta guud ee qaranka,oo aanay doonayn in qaranku uu si dhib yar oo fudud uu u baaba’o.

Waxaase markii danbe ay kulan gaar ah oo ay guurtida iyo labada guddoomiye ku xigeen ee wakiilada iyo qaar ka tirsan xildhibaanada mooshinka waday wada yeesheen ay isla soo meel dhigeen in ay xildhibaanada golaha wakiiladu ka aqbalaan ergadooda isla mar ahaantaana ay dib u dhigaan mooshinka ay wadaan muddo laba cisho gudahood ah,waxaana markii danbe ee xildhibaanada arrintan loo soo bandhigay ay iyaguna sheegeen in ka aqbaleen codsigaas ay Odayaasha guurtidu u soo jeedisay.waxaana halkaasi ku istaagay mooshinkii xilka lagaga xayuubin lahaa guddoomiyaha aqalka wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).

Guddoomiye Ku xigeenka koowad ee golaha wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxamed Faarax oo halkaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa waxaa uu kaga dhawaaqay go’aanka ay isla soo qaateen Odayaasha ergada ahaa ee Guurtida,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka codsadeen in muddo laba cisho ay dib ugu ha kiyaan hawsha ay wadaan.isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ay ka aqbaleen codsigaas ay u soo jeediyeen golahuna uu fasax ahaan doono muddo laba cisho ah.

"Waxaa aynu balan sanayn maanta,waxaana aynu u balan sanayn in uu inoo furmay kalfadhigii 26-aad,koorakuna waa uu inoo buuxay,waxaa aynu u nimina waxaa uu ahaa mooshin golaha horyaal,oo ahayd maamuus ka xayuubinta guddoomiyaha golaha wakiilada,markaa waxaa inoo yimi guurtidii,shirguddoonka guurtida,iyo joogtadii oo isku dhan ayaa galaha yimi,waxaa ay odayaashu inaga codsadeen,Laba maal mood oo bari waa Axada iyo Isniinta ayaa inaga codsadeen,salaasada fadhigeenii caadiga ahaa ayaa aynu bilaabanaynaa".Ayuu yidhi Md:Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha aqalka guurtida Somaliland Md:Saleebaan Maxamed Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay in ay golaha u soo jeedinayaan in ay dib ugu ha kiyaan mooshinka ay wadaan,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ergada ay wadaan ay ku gali doonaan waxii dan u ah qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

"Qaranka gole baarlamaan,oo fadhiistay go'aamadiisu qaranka oo dhan ayaa ay saamaynaysaa,illaa ciida ayaa ay saamaynaysaa,idin kuma adka idinka,waa dal muslim ah go'aankiinu illaa ciida ayaa uu saamaynayaa.waxaan horta jecel nahay in idinka oo dagan aad go'aamadiina gaadhaan,saaka wax nagu foodhya iyo wax daganba waa aragnay,Insha Allah inta na soo dhawaynaysaybaa badan,waxaanu idin ka codsanay sidaa guddoomiyahu uu idiin sheegay,in aad hawsha noo ha kisaan,Laba maal mood aad noo ha'kisaan,kii qaranka u dan ahna waanu ku hawl galaynaa idinka iyo cidii kale ee ay saamaysaba,idinkuna in aad ku ducaysaan ayaa loo baahan yahay"Ayuu yidhi Md:Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isna sida oo kale ka hadlay go’aankan ay ergada guurtidu ku hakiyeen fadhigii wakiilada,waxaana uu sheegay in ay ku taageersan yihiin waxkasta oo wanaag ah oo ay guurtidu ku dhex dhexaadinayso dhinacyada ishaya.

Dhanka kale waxaa iyaduna intii arrintan lawaday bar-bar socday mudaharaado ka dhacay xaafada news Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo,waxaana ay wararka wargeyska Geeska Afrika ka helayo magaalada Burco ay sheegayaan dhimashada hal ruux oo dumar ah iyo sida oo kale lix raga oo iyaguna dhaawaca.waxaa kale oo isla shalay intii ay mudaharaadadu socdeen xabsiga loo taxaabay qaar ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo kala ah Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,Xildhibaan Tukaale,Xildhibaan Maxamed Saalax,Xildhibaan Naasir Cali Shire iyo Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan.iyaga oo horsocday dad mudaharaadayaal ah oo dareenkooda cabiraayey kuwaasi oo lugaynaayey aga-gaarka beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Ugu danbayntiina Waxa kale oo isla shalay iyagana xabsiga loo taxaabay Afar-ka mid ah wariye-yaasha ka hawl gala warbaahinta madax-banaan ee magaalada Hargeysa.ka dib markii ay isku dayeen in ay duubaan dad mudaharaado ka waday gudaha magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha ahaate mooshinkaas xil ka xayuubinta Cirro ee xiisada abuuray waxa shalay dedaal xoog badan ku hakiyay golaha guurtida.