Ruushka Oo Cadeeyey Inaan Xukuumada Syria Gacmaha Ka Laaban Doonin Weerarada Mucaaradka

0
708

syriaAleppo (Geeska/BBC)- Ciidamada Syria ayaa weeraro circa iyo dhulka ku wada qeybo ay mucaaradku ku jiraan oo ka mid ah magaalada labaad ee Aleppo, halka dhinac akale Maj-Gen, Robert Mood, taliyaha ciidamada Un-ta Syria sheegay in maalmo ka hadheen xilligii la tuuri lahaa madaxweyne assad.

Mucaardka la baxay xoraynta Syria ayaa sheegay inay iska caabiyeen weeraro ciidamada dawlada kana gubeen taangiyo, laakiin ma jiro warar madaxbanaan oo cadeynaya, iyadoo wadamada reer gallbeedku ka digeen xasuuq ba’an oo ka dhaca magaalada Aleppo, oo ah magaalada ugu dadka badan Syria.

Sarkaal u hadlay xukuumada Syria ayaa u sheegay wakaalada AFP, “Mucaardku waxay joogaan wadooyin kooban, oo la dagaalankoodu adag yahay.”

Jimcahii, hay’ada Bisha Cas ayaa hakisay hawlahii ay ka waday magaalada Aleppo, ka dib duqeymo laxaad leh oo wiig ka hor bilaabmay awgeed.

Dhinacakale, dalka Ruushka, oo xulafo la ah Syria ayaa ka digay “halis” ka dhacda Aleppo, iyagoo ku eedeeyey beesha caalamka taageradood amucaaradka inuu horseedo doono dhiig badan oo data.

Wasiirka Arrimaha dibedda Ruushka, Sergei Lavrov, aya asheegay inaan laga fili doonin xukuumada Syria inay gacmaha ka laabato, iyadoo mucaaradku soo gelayaan Aleppo iyo degaamada u dhow, iyadoo wadamada jaarka la ah Syria iyo beesha caalamku taageerayaan “oo dhiirigelinayaan, kuna taageerayaan hub iyo saanad weerarada lagaga soo horjeedo xukuumada Syria.”

Mar danbe, Mr Lavrov ayaa beeniyey warar sheegayey in Moscow u fidin doonto magan-gelyo Madaxweyne Assad, haduu goosto inuu ka tago Syria. "Horaan u sheegnay marar badan inaanan sidaa ku fekerayn,” ayuu u sheegay saxaafada.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki-moon aya au soo jeediyey xukuumada Syria inay joojiso weeraradooda, kana dalbaday inay jawaab cad ka soo saaraan hubka suntan ah inaanay sinaba u adeegsanayn. Qaramada Midoobay aya acadeeyey in ugu yaraan toban kun oo qof ku dhinteen dagaalada ka socda Syria.