Xildhibaan Nacnac Oo Soo Bandhigay Sanduuq Loo Sameeyay Mujahidiinta

0
766

 

DSC08937Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nan-nac) ayaa shalay shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga xog waramay dhibaatooyinka haysta qaar ka mid ah mujaahidiintii wadanka u soo halgantay, isaga oo dhamaan bulshawaynta Somaliland meelkasta oo ay adduunka ka joogaan ugu baaqay in dadkaasi loo fidiyo gacan bina’aadamnimo.

Waxaanu shaaca ka qaaday in wixii gar gaar lacageed ah loogu soo hagaajin karo sanduuq dhaqaale uruurin ah oo looga furay xawaalada Dahabshil, faraceeda magaalada Hargeysa, kaas oo lagu soo hagaajin karo sida uu sheegay.

Ugu horayn xidhibaanku waxa uu ka warmay dabaal dagyadii 18 May ee la soo dhaafay, taas oo uu sheegay in sidii loogu guntaday oo kale wax loogu qabtay dadka mujaahidiinta ah ee tabaalaysan,  “Maalin dhawayd ayuun bay ahayd markii aan u dabaaldagnay 18 May, haddana aan u dabaal dagnay 27 May iyo 31 May intaas oo iskugu keen xigtay dhamaantood waxay ahaayeen musalsal, wadanka maalintii la soo galay waxaa ka soo wareegtay 23 sano, maalinta aan xornimada la soo noqonayna waxa ka soo wareegtay 20-sano. Waxa jira walaalayaal dadkii dagaalkaas halganka ah ka qayb galay waxa ay isugu jireen kuwo xoogooda ku jihaaday, dad malkooda ku jihaaday iyo qolyaheenii dibada ee wax soo uruurin jiray ee dagaalka ku saacidi jiray. Ninkii  ku nafwaayay Alle ha u naxariisto oo janadii fardawasa haka waraabiyo.

 

Waxa jira walaalayaal qaar ka hadhay oo jiifa oo halkaas noogu yimidaa oo labaatankaa sanadood  kaadidu ka da’aysay, qaar xabado ku jiraan iyo kuwo sanka dhiig ka da’aayo, walaalayaal waxan idinka codsanaynaa illaahay danbigiina ha dhaafee xisaab ayaan u furnay dadkaasi wadanka u soo halgamay ee tabaalaysan, markaa qof waliba waxa uu helaayo gudo iyo dibadba  ha ugu soo shubo xisaabaadka ka furan Dahabshiil ee namerkeenu yahay HRGD 17060 ”

 

Sidoo kale wuxuu xildhibaanku ka dhawaajiyey dadka xisaabaadkas gacanta ku hayaa inay yihiin dad hawshaas ka soo bixi kara oo magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda gudo iyo dibadba, waxaanu yidhi mar kale “Guddida gacanta ku haysa waxaa ka mida mujaahid Maxamed Kaahin, mujaahid Ibraahin Dhagaweyne iyo aniga oo xildhibaan Nac nac ah oo aad dhamaantayo hore noogu aaminteen, qaar kamidana guryo aanu u dhisnay insha allaah waxa ay gaadhaysaa halkii aad ugu talo gasheen.