Qaar Ka Mid Ah Dhaqannada Qosolka Iyo Yaabka Leh Ee Guurka Qowmiyadaha Kala Duwna Ee Dunida (2)

0
750

Hargeysa (Geeska)- Waa qormaduu labaad ee uu wargeyskan Geeska Afrika ku eegayey dhowr ka mid ah caadooyinka guur ee yaabka leh ee bulshooyinka dunida ku dhaqan lagu arkay ama ay maraan:

– Dalka India waxa ku nool qabiil lagu magacaabo Tawda oo dega koonfurta dalkaas. Caadooyinka yaabka leh ee qabiilkan waxa ka mid ah, marka loo damaashaadayo xafladda guurka:

Ninka oo kelidii ah ayaa ku soo horreeya madasha xafladdu ka dhacayso, kadib gabadha ayaa mar dambe timaadda oo marka ay kadinka ka soo gasho goobta ay xafladdu ka socoto inta ay jilbaha iyo gacmaha dhulka dhigto soo guur guurata illaa ay soo gaadho caruuska, marka ay aroosadda soo gaadho kursiga uu ku fadhiyo aroosku kama kacdo dhulka ee gacmaha iyo jilbaha ayey ku taagnaataa illaa uu ninku barakaynayo. Qaabka uu ninku u barakaynayaana waa in uu cagtiisa ka saaro madaxa. Markaas ayaa inta sacab iyo mashxarad la isku daro gabadhii oo u haysata in ninkeedii barakeeyey ay kacdaa soona barbar fadhiisataa.

– Dalka  Guinea-Bissau caadooyinka yaabka leh ee ka jira waxa ka mid ah, in qaar ka mid ah qowmiyadaha degaa, ay caado u leeyihiin in marka ay qoysku hablo da'dii guurka gadhay ah yeeshaan, inta ay xoolo badan qalaan ay dhiigga xoolahaas ka buuxiyaan barked. Kadib inanta oo qaawan ayaa ku dhex dabbaalata barkadda dhiigga ah iyada oo dusheedana ay taagan yihiin dhammaan raggii guur meerka ahaa oo qoyska inantu isugu yeedhay goobta. Nin wal oo guur meer ahi waxa uu soo qaadanayaa maro dumar, ninkii ay inantaasi cajabiso ayaana maradaa u dhiibaya, inantu inta ay soo baxdo ayaa ay toos u noqonaysaa ninkaa xaaskiisa. Dhammaad