Dadka Sonkorta Jecel Oo Looga Digay In Ay Ku Keeni Karto Cudurka Maskaxda Dailak Alzhemers

0
862

London (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo cusub ayaa ka digtay in ku talax tagga cunista sonkortu ay kor u qaaddo khatarta cudurka Alzheimers ka. Natiijada daraasadan uu Geeska Afrika turjumay ayaa noqonaysa markii ugu horreysay ee cilmi ahaan caddayn la taaban karo loo helo in uu xidhiidh ka dhexeeyo xaddiga sonkorta Gulukoosta ee dhiigga ku jirta iyo caafimaadka shaqada.

Daraasaddan ay faafisay shabakadda Aljazeera ayaa cilmibaadhayaal ka tirsan labada jaamacadood ee Bath iyo Kings College oo ku yaalla magaalada London waxa ay ku ogaadeen in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya sonkorta iyo cudurrada Al-zheimers ka iyo cudurka xususuta dila ee ay Soomaalidu asaasaqa u taqaanno. Taas oo marag u noqonaysa in uu xidhiidh ka dhexeeyo kor u kaca sonkorta dhiigga, iyo raadka caafimaad darrada ah ee ay ku yeelan karto shaqada garashada iyo xusuusta ee maskaxda.

Dr. Cumar Kasaar oo ka tirsan jaamacadda Bath ee daraasaddan qaybta ka ahayd, ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxaa la og yahay in cunista xaddi badan oo sonkor ahi ay keento cudurka macaanka, iyo buurni. Laakiin xihdiidhkan hadda la ogaanayo ee ka dhexeeya cudurka Alzheimer iyo sonkortu waxa ay noqonaysaa sabab kale oo innagu qasbaysa in aynu xakamayno isticmaalkeenna sonkorta”

Dr. Rob Williams oo ka tirsan waaxda Cilmiga Bayoolojiga iyo Kimistariga noolaha ee jaamacadda Bath, isla markaana ka mid ahaa xeeldheerayaasha cilmibaadhistan ka qayb galay, ayaa yidhi, “Waxa aanu rajaynaynaa in arrintani ay horseeddo in wax laga ogaado sida uu cudurka Alzheimer uu ku bilowdo, sidoo kale waxa ay daraasaddani si weyn innooga caawinaysaa in aynu cudurka ka horba sii garanno dadka khatarta u ah cudurka Alzheimer. Iyo in la helo dawooyin cusub, lagana hortago cudurkan”