Qof Kasta Oo Dubai U Safraya Waxaa Lagu Wargelinayaa In Aanu Shandadahan U Qaadan Gerin Gegida Diyaaradaha

0
719

Dubai (Geeska)- Ha’adda maamusha gegooyinka diyaaradaha ee Imaaradda Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa arbacadii ina dhaaftay ee 8da Maarso waxa ay soo saartay amarro cusub oo la xidhiidha rarka shandadaha iyo xamaamta dadka ka safraya garoomada diyaaradaha ee Dubai iyo Aala Maktoom. Amarradan iyo shuruudahan cusub ee ay hay’addu soo saartay ayaa waxaa ugu weyn in aan la aqbali doonin shandad aan u samaysnayn qaab fidsan, in ay mamnuuc tahay qabashada shandadaha qaabka goobada (Wareegga) ah u samaysan, iyo shandadaha iyo kiishashka / bushqadaha qaabka duuban u samaysan sida haangaabgga iyo bundadaha la xidho.

Cali Ankiis oo ku xigeenka agaasimaha fulinta ee hawl-socodsiinta gegida diyaaradaha Dubai ayaa Fiidyow ay faafisay wakaaladda warbaahinta ee Duba waxa uu ku sharraxay sababta amarradan cusub, isaga oo sheegay in shandadaha la ogol yahay ay yihiin kuwa uu ogolaanayo nidaamka rarka shandadaha ee garoonka Dubai, waxa aanu ku dooday in shandadaha la mamnuucay ay yihiin kuwo aan calaamadaha shandadka iyo xamaamta ee heerka caalamiga ah gaadhsiisnayn.

Shardiga ugu weyn ee laga rabo shandadaha hadda kadib loola safri karo garoonnada diyaaradaha ee Dubai waa in ay noqotaa mid jooggeedu (Qotonkeedu) uu dhan yahay 75 Sentimitir, ballaaceedu yahay 60 Sentimitir, dhererkeeduna aanu ka badnayn 90 Sentimitir.

Shandadaha la mamnuucay:

Gegooyinka diyaaradaha ee Dubai waxa ay mamnuuceen in ay guddoomaan shandadaha lagu cabbeeyey in qaadkooda ka badan, shandadaha qaabka goobada ah leh, iyo kuwo qaab leh qaab aan fidsanayn, (Isku duuban) iyo si guud shandad kasta oo leh qaab samays oo aan inta caadiga ah ee la yaqaanno ahayn.

Dhinaca miisaanka marka laga hadlayana, amarrada cusubi waxa ay farayaan dadka safrayaa in aanay qaadan shandad culayskeedu uu ka yar yahay 2 Kiiloogaraam, am aka badan yahay 32 Kiiloogaraam, halka shandadda gacanta ee uu qofku gacanta ku qaadan karaana aanay ka badnaan 7 kiiloogaraam.

Qofka sharcigan buriya:

Hay’adda maamulka gegooyinka diyaaradaha ee Dubai waxa ay amarkeedan cusub ku sheegtay in musaafirka la yimaadda shandad aan lahayn astaamahaas la sheegay, isla markaba shandaddiisa laabta ku jirta lagu wareejin doono sanduuqyo kartoon ka samaysan, lagana qaadi doono kharashka adeegga iyo ganaax dhan 15 Dirham ($ 4 ) shandad kasta. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya ayaa intaas ku daraya in durba amarkan la dhaqan geliyey oo adeeggan shandadaha qaldan qofka lagaga reebayaa uu ka bilowday garoomada diyaaradaha ee Imaaradda Dubai. Warku waxa uu sheegay in amarka fulintiisa rasmiga ahi ay saaran tahay goobaha shirkadaha diyaaraduhu ay ku leeyihiin madaarrada (Counters) ee ay ku qaabilaan xamaamta iyo alaabta ay dadka safrayaa sitaan.

Gegida caalamiga ah ee Dubai ayaa leh nidaam aad u horumarsan oo ah rarka alaabooyinka, waxa aanu awood u leeyahay in uu raro shandado iyo alaabooyin yaalla dhufl fidsan illaa 138 Kiiloomitir, sannadkii 2015-ka ayaa gegida diyaaradaha ee Dubai waxa ay rartay shandado iyo badeecooyin gaadhaya 55 Milyan oo shnadadood, halka sannadkii xigay ee 2016ka ay tiradu gaadhay 70 Milyan, sannadkan 2017-kana la filayo in ay garoonkan rarkiisa mari doonaan shandado gaadhaya 75 Milyan.

????? ???? ???????? ????????? ??????? ??????!

???????? 9 ????? ?????? 1438?? – 7 ???? 2017?