Kaftanka Maanta Iyo Magacyada kuraasta KULMIYE: W/Q Axmed Nuur Guruuje

0
822

Xisbiga Kulmiye oo la aasaasay sanaddii 2002 , kuraasida ugu saraysa ayaa leh Sooyaal Taariikheed oo mid walba loogu magac bixin karo  , iyadoo waayihii kursi waliba soo maray magaciisa jaan goynaysa .

 

1. Kursiga koowaad ee ah Gudoomiyaha Xisbiga ahna Musharaxa , waxa la yidhaahdaa meerto , sababtoo ah , Shirkii Golaha Dhexe ee 2009 , Waxa laggu go’aamiyay in Gudoomiyaha xigeenka koowaad laggu wareejiyo doorashada ka dib , sidaas ayaanu kula wareegay gudoomiyaha imika joogaa , waxa kale oo iyana jirta xan odhanaysa in Gudoomiyaha dabadiina beeshii gudoomiyihii horre ( Madaxwaynuhu) kasoo jeeday laggu wareejinayo sidaa darteed kursigaa magaciisa waxa odhan karaa  .Meerto .

2. Kursiga labaad oo ah ku xigeenka koowaad , waxa la yidhaahdaa Mar-dhaw , maxaa yeelay Gudoomiye xigeenka kowaad waa ka ugu dhaw marka doorasho dhacdo in uu booska la wareego , sidaa darteed booskaa magaciisu waxa la odhan karaa  Mardhaw .

3. Kursiga sadaxaad oo ah G/xigeenka 2aad , waxa la yidhaa Magac , sababtoo ah  waxa iska badalay 3 xubnood oo isku beela , markii  G/xigeenka 1aad u dalacay gudoomiyaha ee booskaasi banaanadayna  G/xigeenka 2aad uma ruqaansan buuxinta booskaa waxaana loo magacaabay Af-hayeenkii Xisbiga ( Maxamed Kaahin ) sidaa darteed booskaa magaciisu waxa la odhan karaa Magac .

4. Booska afrad oo ah Gudoomiye xigeenka 3 aad , waxa iska badalay 2 xubnood oo isku beela inta badana dhaq-dhaqaaq badan malaha , sidaa darteed booskaa waxa la  odhan karaa Mooge.

5. Booska shanaad oo ah G/xigeenka 4aad , waa booska ugu dambeeya G/xigeenada waxaana ka horeeya 3 G/xigeen oo kale sidaa darteed  booskaa magaciisa waxa la odhan karaa Maslax .

6. Booska Lixaad ee Xisbiga waa Xoghayaha Guud , Booskaa tan iyo aasaaskii Xisbiga waxa iska badalay 3 Xoghaye guud oo isku beela , kuwaasoo kala ahaa ( Daauud Khayre , Kayse iyo Xasan Siciid ) Intii booskaasi  jiray cid kale booskaa ma qaban , beeshaasina boos kale oo hogaamineed xisbiga kama qaban , sidaa darteed waxa la odhan karaa Booskaa Maguuraan .

7. Gudoomiyaha Golaha , Golaha dhexe  ee xisbigu inta badan isuma yimaado , waxaanu shiray marar kooban , sidaa darteed booskaasi ma hawl badna , sidaa darteed waxa la odhan karaa booskaa  Markhaati .

8. Booska Afhayeenka Xisbiga  , markii Xisbiga la aasaasay 2002 af-hayeenkii xisbiga ee u horeeyay wuxuu ahaa , Maxamed Iid dhimbiil , hassa yeeshee markii doorashadii deegaanka ee ugu horaysay  dhacday 2002  ayaa laggu badalay Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa ururkii dhacay ee ASAD , mar kale 2010 markii Maxamed Kaahin loo magacaabay G/xigeenka  1aad ee Xisbiga waxa Jagadii Af-hayeenka loo magacaabay Xasan Gaafaadhi oo ahaa Gudoomiyihii ururkii dhacay ee  RAYS, sidaa darteed maadaama booskan ay iska badaleen laba Af-hayeen oo ka yimi ururo horre oo dhacay waxa la odhan karaa  Mahuraan .

9. Booska Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada  , waxa iska badalay 3 Gudoomiye oo isku xaafada kuwaasoo kala ahaa ( C/laahi , Tamaandho iyo gudoomiyaha imika ee C/najax siyaad) sidaa darteed waxa la odhan karaa booskan magaciisa Maararaw

 

.