Dadka Reer Indooniisiya Ee Maqalka Naafada Ka Ah Oo Ku Guulaystay In Ay Qur’aanka Bartaan Dadkana Baraan

0
1227

Hargeysa (Geeska)- Qaar ka mid ah muslimiinta dalka Indooniisiya ee naafada ka ah aragga ayaa ku guulaystay in iyaga oo adeegsanaya afka dhagoolayaasha ee ishaarada faraha ah ay bartaan Qur’aanka Kariimka ah, isla markaana ay bishan Barakaysan ee Ramadaan dadka la midka ah baraan Qur’aanka kariimka ah.

Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin uu arrintan ka diyaariyey ku sheegay nin Suuriya Saahitaabi oo u dhashay dalka Indooniisiya iyo saaxiibbadiisa ay aad isugu dhowyihiin, ay sannad kasta marka ay soo dhowaato bisha soonku ay ka fikiraan sida ugu habboon ee ay dadka reer Indooniisiya u bari karaan akhriska Qur’aanka Kariimka ah.

Suuriya oo ah qoraa 25 sano jir ah, ayaa xasuusan sidii isaga iyo saaxiibbadii ay caqabadaha badan ugala kulmaan barashada Qur’aanka kariimka ah, maadaama oo ay naafo ka ahaayeen dareenka maqalka. Taasina ay tahay sababta hadda ku dhiirirnaysa in ay Qur’aanka baraan dadka la midka ah.

Weriyaha warbixinta u diyaariyey New York Times ayuu Suuriya u sheegay in ay bilowgii niyadjab ku ridi jirtay marka ay awoodi kari waayaan in ay Qur’aanka Kariimka ah iyo macnihiisa baraan dadka la midka ah ee aan muslimiinta ahayn. Laakiin imika ay dhibaatadaas ka gudbeen, kaddib markii hay’ad samafal oo deegaanka ka hawlgashaa ay ku caawisay fiidyowyo loogu talagalay dadka dhegaha la’ oo ah macallimiin Qur’aanka ku akhriyaya luuqadda ishaarada ee dhegoolayaasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here