Aragtida Islaamka Ee Ku Aaddan Nidaamyada Maaliyadeed Ayaa Ka Fiican Aragtida Hanti-Goosadka

0
1049

Washington (Geeska)- Dhaqaaleyanka Maraykan ee Prasenjit Paura ayaa sheegay in aragtida ay bulshada muslimku ka haystaan nidaamyada maaliyadeed ee adduunku ay ka fiican tahay ta bulshooyinka kale, iyo in fikirka nidaamka Islaamiga ah ee dhaqaale uu cashar muhiim ah u noqonayo dunida hanti-goosadka ah.

Prasenjit oo ka qaybgalayey shir caalamiya oo ay martigelisay jaamacadda Ibnu Khalduun ee magaalada Istanbuul dalka Turkiga ayaa khudbad uu jeediyey ku sheegay in aragtida nidaamka dhaqaale ee Islaamiga ah, ee qiraya in ay jiraan quwad bulsho uu cashar aad u muhiim ah u yahay dunida ku dhaqanta nidaamka hanti-goosadka.

Dhinaca kalana kulanka oo lagaga doodayey soojeedinaha bulsho iyo dhaqaale ee caalimkii muslimka ahaa ee Ibnu Khalduun uu qarnigii 14 soo jeediyey in raaco awoodaha dhaqaale iyo akhlaaqeed, ayaa Prose Laurance oo isna ah bare jaamacadeed oo cilmiga dhaqaalaha jaamacadda Ibnu Khalduun ka dhiga ayaa sheegay in dhaqaaluhu uu muhiim yahay, laakiin muhiimaddiisu ay leedahay xuduud qiyam ah oo ay tahay in aanu ka gudbin.

Shir hawleedkan caalamiga ah ee Ibnu Khalduun oo ah kii shanaad waxaa lagu ururiyaa afkaarta caalimkaas Ibnu Khalduun ee caanka ahaa uu ka qabay kaalinta uu urursiga hantida iyo isticmaalkeedu ku yeelan karo musuqmaasuqa hay’adaha maamulka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here