Haddii Aad Doonayso In Aad Bisha Soon Miisaanka Iska Riddo Raac Taladan Ay Hay’adda WHO Arrintan Ka Bixisay

0
1071

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa talooyin ay hay’adda caafimaadka adduunku u soo jeedinayso qof kasta oo doonaya in uu bisha soon uga faa’iidaysto dhimista miisaanka. Warbixintii ugu dambaysay ee ay hay’adda WHO soo saartay ayaa ay ku sheegtay in talooyinkani aanay ka hortegeyn oo keliya in uu miisaanku kordho, balse ay ka qayb qaadanayaan in uu yaraado misaanka saayidka ahi.

  1. Saddex xilli cunto:

Afurkaaga u qaybi saddex xilli cunto; marka koowaad ee aad eedaanka maqrib maqasho cunto aad u fudud cun, gaar ahaan koob keliya oo biyo ah, saddex xabbo oo timir ah iyo madiibad yar oo shurbad ah.

Saacad badhkeed intaas ku joog, kaddibna waxa aad cuntaa cuntada ugu muhiimsan ee aad ugu talagashay in aad ku afurto, adiga oo ku dadaalaya in ay noqoto cunto ay u dhammaystiran yihiin nafaqooyinka uu jidhku u baahan yahay, sida Kaarboohaydaraytka, Khudradaha, iyo barootiinnada. Intaas ku joog illaa salaadda cishaa’i laga soo baxayo. Salaadda kaddib waxa aad cuntaa khudrad, sida tufaax, cinab ama wixii kale ee aad ka helayso khudradda.

  1. Isu dheellitiran .. noocyo kala duwan ah .. caafimaadka u fiican:

Hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay ku talisay in qofku uu cuno cunto isu dheellitiran nafaqo ahaan, isla markaana noocyadeedu kala duwan yihiin. Waxaa muhiim ah in ay ku jiraan khudrado badan oo kala duwan, gaar ahaan khudradda ganka leh. Waayo waxa ay qofka dareensiisaa dhereg, sidaa awgeed waxa ay ka hortagtaa in uu cunto badan cuno.

Waxa kale oo ay hay’addu ku talisay muhiimadda ay leedahay in cuntada si caafimaad qabta loo diyaariyo, iyo in laga dheeraado cuntooyinka shiilan, cuntooyinka milixda iyo cuntooyinka milixda iyo xawaashyadu ku badan yihiin oo caqabad ku noqda miisaan dhimista.

Cabbitaannada:

Ka fogoow cabbitaannada warashaddu samayso iyo kuwa gaasta leh, gaar ahaan xilliga afurka iyo suxuurta. Waaayo sharaabka warshadaysani waxa uu leeyahay xaddi badan oo sonkor ah, qaarkoodna dufanno aan caafimaadka u fiicnayn ayaa ku jira, sidaa awgeed waxa ay kordhiyaan buurnida, iyo khatarta ah in qofka uu macaan ku dhaco.

Waxaa laguugula talinayaa cabbitaannada dabiiciga ah sida khudradda la miiro, oo aanad sonkor ku darin.

Jimicsiga

Jimicsigu waa tallaabada ugu muhiimsan miisaan dhimista, sidaa awgeed hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay ku talinaysaa in ay lagama maarmaan tahay in qofku uu jimicsi sameeyo. Waxa aanay si gaar ah hoosta uga xariiqday in sida ugu habbooni ay tahay in qofku uu samaysto waqti uu jidh dhis ama jimicsi jidheed sameeyo. Laakiin WHO waxa ay sheegtay in waqtiga saxda ah in la jimicsado xilliga Ramadaanta uu yahay laba saacadood kaddib afurka, si caloosha loo siiyo fursad ay cuntada ku burburin karto.

Waxa kale oo ay hay’adda caafimaadka adduunku ka digtay in jimicsi la sameeyo maalintii xilliga soonka, gaar ahaan waqtiga hadda lagu jiro ee xagaaga. Waxa aanay sheegtay in haddii soonku uu xilli kulayle ku soo hagaago ay keenayso in qofka soomani uu la kulmo harraad badan iyo in jidhku ingago, taasina ay horseedi karto khataro caafimaad darro, oo ka dhalanaya dareeraha jidhka ee heerkii loo baahnaa hoos uga dhacaya.

Biyaha

In saacadaha la af furan yahay biyo jidhka ku filan la cabbaa waa waajib. Waxaa uu jidhku u baahan yahay 8 illaa 12 koob oo biyo ah maalin kasta, taas oo u dhiganta qiyaas ah 2 litir oo biyo ah. Waxa aanay WHO ku talinaysaa in biyahaas cabbistooda la kala fogeeyo  illaa suxuurta laga gaadhayo.

Macmacaannada

Hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay dadka sooma kula talinaysaa in ay ka fogaadaan macmacaanka oo ay sheegtay in uu sonkor badan iyo dufan leeyahay, sidaa awgeed miisaanka kordhinayo. Haddii uu qofku ka maarmi waayo macmacaan in uu cuno talada ugu fiicani waa in uu laba saacadood u dhexeysiiyo afurka iyo macmacaanka uu cunayo, iyo in aanu isku badin macmacaankaas.

Hurdo caafimaad

In qofku bisha soonka helo hurdo ku filani waa muhiim. Hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay sheegaysaa in hurdo fiican oo uu qofku helo xilliga ramadaantu ay jidhka ka caawiso in uu gubo dufanka cuntada afurka kaddib.

Kaafeeyiin

Hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay ku talinaysaa in qofka soomayaa uu iska joojiyo ama intii suurtagal ah yareeyo cabbitaannada leh maadadda kaafiyeenta oo ay ka mid yihiin bunka iyo shaahu, iyo in waqtiga jimicsiga qofka iyo waqtiga seexashadiisa ay u dhexeyso ugu yaraan hal saac. Arrintani waxa ay qofka ka caawinaysaa in uu hurdo deggen seexdo.

Waxa kale oo ay WHO ku talisay in laga fogaado cuntooyinka dufanka iyo sonkorta badan leh, gaar ahaan xilliga suxuurta, waayo waxa ay qofka ku keenaan hurdo la’aan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here