Daanyeerro Gumaaday 250 Ey Iyo Dawladda Oo Xabsiga Dhigtay Labadii Daanyeer Ee Hoggaaminayey Duullaanka

0
1652

Tobannaan daanyeerro gadoodsan ah ayaa duullaan aargoosi ah si fool xun ugu gumaadeen 250 ey. Weerarkani waxa uu ka dhacay labada tuule ee Majalgaon iyo Lavul oo ku yaalla gobalka Maharashtra ee dalka Hindiya, waxa aanay cadhada daanyeerradu ka dhalatay weerar ay dhowaan dhowr ey ku dileen daanyeer yar.

Wargeyska ‘The Mirror’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa war uu arrintan ka qoray waxa uu ku soo bandhigay mid ka mid ah daanyeerrada oo hoosta gashaday ey dhal ah, kaddibna meel sare inta uu la koray dhulka ku soo deynaya. Waxa aanu wargeysku sheegay in daanyeerradani ay dileen 250 ey oo ay dhammaantood dhismayaal dhaadheer ama dhir dushooda ay ka soo tureen.

Dad goobjoog u ahaa dagaalkan ayaa warbaahinta u sheegay in daanyeerradu markii ay ka takhaluseen eydii dhasha ahayd, ay bilaabeen in ay weeraraan Carruurta qoysaska deegaanka oo ay u arkeen in ay u hiilinayaan eyda. Warku waxa uu sheegayaa in markii ay ey badani dhimmatay ay dadka tuulayaashani isku dayeen in ay dagaalka joojiyaan, sidaas awgeed ay la noqotay in ay xoog kaga hortagaan daanyeerrada weerarka ahaa, iyaga oo dhowr ka mid ahna dhaawacyo gaadhsiiyey. Arrintan ayaa daanyeerkii ku sii badisay cadhada, waxa aanu kordhiyey weerarkii oo uu ku daray dadkii. Koox daanyeerro ah ayaa xoog u jiitay wiil siddeed jir ah oo ay la tageen meel durugsan, nasiibwanaag se intii aanay dilin ayaa laga soo badbaadiyey.

Dhinaca kalana shabakadda ‘New York Post’ ayaa masuuliyiinta daryeelka Keymaha ee gobalka Maharashtra waxa ay ka soo xigteen in ay qabeen laba labadii daanyeer ee hoggaaminayey weerarka lagu xasuuqay eyda, kaddibna ay xabiseen si khatarta loo joojiyo.