Dawladda Kenya Oo Sheegtay Inaan Somaliland Waydiisan Aqoonsi

0
595

Nairobi (Geeska) – Dowladda Kenya, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland ayna Kenya u soo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Omamo ayaa sidoo kale waxay kaga hadashay xiisadda Itoobiya.

Waxay sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah.

Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya oo ka hadlaysay arrinta Somaliland iyo ta Xidhiidhkooda Soomaaliya ayaa tidhi  “Marka aan ka hadlo Somaliland iyo hadalka ka soo yeedhay Baarlamaanka UK, ma doonayno inaanu ku lug yeelano waxa ay samaynayaan siyaasiyiinta waddamo kale, haatan waxaanu aqoonsanahay nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya, Somaliland-na nooma soo gudbin Codsi ah inaanu u aqoonsano mid ka duwan Soomaaliya, markaa Soomaaliya waxaanu ula Macaamili doonaa sida dal aanu jaar nahay, Maamullada Soomaaliyana waxaanu ula dhaqmi doonaan qaab xoojinaya Midnimada Soomaaliya..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office