Hadalkii Haybsooca U Muuqday Ee Uu Abu Bakar Siddiiq Yidhi Iyo Dareenkii Nebigu (SCW) Ka Bixiyey

0
1631

Xilligii uu Nebi Muxamed (SCW) noolaa waxaa dhacday in Abaa Sufyaan oo xilligaas weli aan soo muslimin uu kacbada agteeda ugu yimi Salmaan, Suhayb, Bilaal iyo shakhsiyaad kale. saddexdan asxaabiba waxa ay hore u ahaan jireen adoomo cidi leedahay oo markii Islaamku soo degey ayaa la xoreeyey.

Waqtigan waxa ay ahayd intii ka dambaysay heshiiskii caanka ahaa ee Xudaybiya oo ahaa xabbad joojin uu Nebi Maxamed (SCW) la galay odayaashii Quraysh ee iyagu markaas Makah ka talinayey. Mid ka mid ah asxaabtan hore loo xaqiri jiray ayaa markuu arkay Sufyaan oo uu ogaa cadaawadda uu u hayo Islaamka iyo Nebigaba waxa uu yidhi, “Wallaahi seeftii Alle qoorta kama ay jarin cadawgii Alle” isaga oo u duurxulaya Sufyaan dhegtana ugu ridaya sida uu u jeclaan lahaa in la dilo.

Saaxiibkii weynaa ee Nebi Muxamed (SCW) Abu Bakar oo meel aan ka dheerayn asxaabtan joogay ayaa hadalkan maqlay,  kaddib waxa uu asxaabtii ku yidhi hadal u muuqday in uu ku xaqirayo in aanay nasab ahaan ama sharaf ahaan gaadhsiisnayn heer ay wax ka sheegaan Abu Sufyaan oo ka mid ahaa odayaashii Quraysh ugu mudnaa, “Ma waxaas ayaa aad ku leedihiin odaygii Quraysh iyo sayidkoodii” ayaa laga sheegay in uu yidhi Abu Bakar.

Hadalladan canaanta iyo quudhsiga u muuqday ayaa ka cadhaysiiyey asxaabtan.

Abu Bakar waxa uu markaas kaddib u tegey Nebi Muxamed (SCW), waxa aanu uga warramay wixii dhacay. Kaddib Nebigu waxa uu ku yidhi, “Abi Bakar waxa ay u muuqataa in aad ka cadhaysiisay [Asxaabtaas]. Haddii aad ka cadhaysiisayna, waxa aad ka cadhaysiisay Rabbigaa” Abu Bakar markii uu Nebigu (SCW) hadalkan ku yidhi, ayaa uu dib ugu soo noqday asxaabtan, si uu u weydiiyo in ay hadalkiisii ka cadhoodeen, una raalli geliyo haddii ay cadhoodeen. Nasiibwanaag se waxa ay u sheegeen in hadalkaasi aanu wax xumaan ah ku abuurin.

In kasta oo ay culimada xadiisku wax ka sheegaan saxnaanshiyaha hadalladan ama siyaabaha hoos ku xusan u dhigaan. Haddana waxa ay keliya muujinayaan sida uu Nebi Muxamed ula dagaalamayey quudhsiga iyo haybsooca, isla markaana ugu dadaalayey in uu asxaabtiisa xitaa kuwa ugu karaamada badan u dareensiiyo in aanay inta kale ka sarrayn, haddii ay ku gefaanna sharciga u siman yihiin. Waxaa iyaduan cashar kale ah sida uu asxaabigii weynaa ee Abu Bakar oo ahaa qofka Muslimiinta ugu fadli badnaa marka nebiga laga reebo, haddana uu diyaar ugu ahaa in uu cid kasta xaqeeda ilaaliyo, kana raalli geliyo wixii ay gef tirsanayaan.