Cuntooyin Xusuusta Kordhiya Maskaxdana Tamar Iyo Firfircooni Dheeraad Ah Ku Abuura

33
7012

Marka maskaxda shaqadeeda uu dib u dhac ku yimaaddo, ma jiro waxsoosaar dawo oo illaa hadda awood u leh in uu maskaxda ku soo celiyo firifircoonideedii hore. Sida oo kale ma jirto dawooyin oo ay dhakhaatiirtu ku taliyaan la isticmaalo marka la doonayo in laga hortago in maskaxda xaaladdeeda caafimaad iyo hawlgudasho hoos u dhacdo. Talada ugu habboon ee ay isku raacsan yihiinna waa in qofku uu ku dadaalo cunista cuntooyinka u fiican caafimaadka iyo shaqada maskaxda.

Sideedaba marka aadamaha ay ku yimaaddaan xaaladaha nafsiga ah, sida sakatiga, qulubka iyo guud ahaanba cadaadiska nafsaddeed, jidhku waxa uu soo daayaa barootiinno lagu magacaabo Cytokines oo jidhka ku keena olol iyo kaar badan, arrintan oo sababta in difaaca jidhku uu isu diyaariyo la dagaallanka xanuunkan, waana markaas marka ay imanayso muhiimadda ay leedahay cuntada hodanka ku ah nafaqooyinka lidka mariidka, dufanka waxtarka u leh jidhka, Faytamiinnada iyo macdanaha kala duwan ee habdhiska difaaca jidhka awood u siinaysa in uu sida ugu habboon u guto waajibkiisa, kana dhalanayso in maaskaxdu ka badbaaddo raadka caafimaad ahaan khatarta ku ah ee ka dhasha xaaladaha nafsiga ah.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya ayaa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah cuntooyinka ay dhakhaatiirta caafimaadka maskaxdu caddeeyeen in ay u fiican yihiin caafimaadka maskaxda, oo ay awooddeeda xoojiyaan kana ilaaliyaan burburka. Isla markaana xoojiya xusuusta iyo tamarta kale ee shaqo ee maskaxda looga baahan yahay.

Saliid Saytuun: Saliid Saytuuntu waxa ay hodan ku tahay nafaqada Polyphenols oo la ogyahay in ay lid ku tahay mariidka, maskaxdana ka ilaaliso xanuunnada.

Saliid Qumbaha: Waxa ay ka mdi tahay saliidaha xoojiya awoodda maskaxdu u leedahay isticmaalka tamarta ku jirta, waxa ay xoojisaa caafimaadka maskaxda waxa aanay jidhka oo dhan siisaa dufan la ogyahay in uu unugyada xuubka maskaxda ka caawiyo in ay waajibaadkooda sida saxda ah u gutaan.

Afakaadho: khudradda Afakaadhada waxaa ku jira Faytamiinka K, oo la ogyahay in uu ka hortago in dhiiggu maskaxda ku xinjirooba, kana ilaaliya faaligga, ama dhiigfuranka maskaxda. Waxa kale oo uu Faytamiinkan ‘K’ wanaajiyaa shaqooyinka garaadka la xidhiidha ee maskaxda.

Kalluunka Salamoon: Kalluunka nooca Salamoonka loo yaqaanno waxa uu ka mid yahay ilaha dabiiciga ah ee laga helo asiidh duxeedka Omega3, taas oo kaalin muhiim ah ka ciyaarta ilaalinta caafimaadka maskaxda. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in kalluunka Salamoon uu ka mid yahay cuntooyinka ugu fiican ee xoojiya maskaxda.

Huruudda: Huruudda oo ah cunto ay dumarka Soomaalidu aad ugu isticmaalaan qurxinta wejiga, ayaa ka mid ah cuntooyinka la ogyahay in ay aad ugu fiican yihiin caafimaadka maskaxda. Huruuddu waxa ay dardargelisaa shaqada qayb gaar ah oo ka mid ah dheecaannada hidde-sideyaasha ee ka masuulka ah iska caabbinta kaarka iyo xanuunka. Waxa ay ka mid tahay xawaashyada u fiican caafimaadka maskaxda isla markaana xusuusta badiya.

Beedka: Beedku waxa uu ka mid yahay curiyeyaasha aasaasiga ah ee cunto, waxa aanu xoojiyaa shaqada ay qabtaan dareenwadayaasha maskaxdu. Beedka maadaama oo ay ku jirto Kalastaroolka faa’idada lihi, waxa uu waxtar badan oo caafimaad u leeyahay unugyada xuubka maskaxda, waxa aanu xoojiyaa lidka mariidka ee maskaxdu isku ilaaliso.

Koostada: Caleenta Koostada oo ka mid ah khudradaha laga helo dhulka Soomaalidu waxa ay hodan ku tahay maaddooyinka jidhka ka saara mariidka/sunta cuntada ka samaysanta, waxa kale oo uu leyahay Faytamiin ‘K’  iyo maaddooyink kale oo xoojiya maskaxda kana ilaaliya in badan oo ka mid ah khataraha caafimaad darro ee ay waajihi karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here