Xeeldheereyaal Caafimaadka Oo Ka Deyriyey In Habeen Badhka Cunto La Cuno Iyo Sababaha Ay Sheegeen

24
3131

Mexico (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa cilmibaadhayaal u dhashay dalka Mexico waxa ay ku ogaadeen in saacadaha dambe ee habeenkii oo cunto la cunaa ay kordhiso khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo xanuunka macaanku.

Cilmibaadhistani waxa ay xaqiijisay in waqtiga uu jidhku ugu awood yaryahay in uu burburiyo maadada duxeed ee lagu magaaabo Triglyceride ay tahay saacadaha dambe ee habeenkii. Dufankan ayaa haddii aanu jidhku sida saxda ah uga faa’idaysan, dhiigga ku urura, kadibna kor u qaada khatarta ah in qofka uu ku dhaco wadne xanuun ama macaan.

Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in dadka qaba macaanka iyo wadne xanuunku ay u badan yihiin kuwa shaqeeya habeenkii, sababtana loo malaynayo in ay tahay cuntooyinka ay cunayaan saacadaha dambe ee aanu jidhku si sax ah u burburin karo dufanka.

Waxa kale oo ay daraasaddani ogaatay in cuntada saacadaha dambe ee habeenkii la cunaa ay keento hurdo la’aan ama hurdada oo qofka ka xumaata.

Cilmibaadhiso hore ayaa sheegay in waqtiga ugu fiican ee ay tahay in qofku wax cuno habeenkii in ay tahay inta ka horreysa gabbaldhaca, laakiin xeeldheereyaasha daraasaddan cusub sameeyey ayaa iyagu shegay in uu qofku cuntada cunisteeda sii wadi karo ugu dambayn illaa tobanka habeennimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here