Cuntooyin Ay Tahay In Aad Iska Yarayso Xilliga Aad Doonayso In Aad Caloosha Weyn Iska Riddo (Q:2)

0
557

London (Geeska)- Warbixin uu dhowaan baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa lagu sheegay in laba ka mid ah khubarada waaweyn ee cilmiga nafaqaynta iyo faa’idooyinka caafimaad ee cuntadu ay soo saareen liiska cuntooyin ay tahay in qofku uu ka dheeraado si aanu calool u yeelan. Iyaga oo dhinaca kalana ku taliyey in sideedaba aanu qofku ku koobnaan xilliyo go’an oo uu cunto buuran cuno, balse uu ka dhigto cunto aad u yar oo uu maalintii dhowr jeer oo kala duwan cuno isla markaana uu si aad ah u calaaliyo si uu isaga jiro fursad kasta oo keeni karta in caloosha uu naqas dibbiriyo. Qaar ka mid ah cuntooyinka ku jira liiskaas ay labada khabiir soo saareen oo uu wargeyska Geeska Afrika Afsoomaali u rogayna waxa ay kala yihiin sidan:

5. Milixda: Khabiir Cassandra Shawn waxa ay ku talinaysaa in laga taxaddaro milixda badan oo ay fiican tahay in xaddi aan badnayn lagu darsado cuntada. Waxa aynu hore u ogeyn in milixdu ay khatar ku tahay caafimaadka wadnaha iyo in ay dhiigga kiciso, waxase daraasadahan lagu ogaaday khataro kale oo dheeraad ka sii ah labadaas in ay leedahay milixdu waxa aana ka mid ah in jidhka ay ku xabbisto (Kaydiso) biyaha ay tahay in uu iska so osaaro, taasina ay sababto dibbiro iyo in naqas badani caloosha galo, iyo sidoo kale in guud ahaan jidhka uu barar yeesho.

6. Sonkorta macaanka (Deit Sugar): Waxaa la ogaaday in dadka isticmaala sonkorta aan dabiiciga ahayn ee macaanka loo isticmaalaa ay inta badan isku arkaan dibbiro iyo naqas badan oo caloosha u buuxiya taasi ay keento in calooshu ay weynaato, cilmibaadhiso kale oo uu wargeyska Geeska Afrika qaar ka mid ah hore u qoray ayaa iyagu qudhooduna muujiyey in sonkortan oo afka qalaad Deit lagu yidhaahdaa ay khataro badan keento, sidaa awgeed ay fiican tahay in laga dheeraado isticmaalkooda intii suurtogal ah.

7. Caanaha: Dadka qaar ayaa uu si dabiici ah ugu yar yahay dheecaanka Lactase oo ka masuul ah burburinta maadadda Lactose, sidaa awgeed cabbista caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegtaa ay ku keentaa xanuun dheefshiidka ah, oo sababtiisu tahay maadaddan oo aanu si sax ah u dheefshiidin, taasina waxa ay keentaa dibbiro badan, oo caloosha weynaysa.

Lactose: waa dheecaan ku jira midhicirada oo mila maadadda Lactose ee caanaha ku jirta oo uu ka dhgo Gulukoos iyo maadadda Galactose si uu jidhku uga faa’idaysto.