Cilmi Alle: Walaalo Marka Ay Qorraxdu Dhacdo Ay Istaagayaan Dhammaan Dareemayaasha Jidhkoodu

0
577

1Islamabad (Geeska)- “Carruurta qorraxda” ayaa ay ku naanaysaan dadka la deggen xaafadda ay ku noolyihiin Cabdirashiid Haashi oo 9 sano jir ah iyo Suhayb Axmed Haashim oo 13 sano jiray, kadib markii ay xaqiiqsadeen sida mucjisada ah ee ay nolosha labadan wiil ee walaalaha ahi ugu xidhan tahay qorraxda, oo marka ay qorraxdu soo baxdo firfircooni iyo nolol dabiici ah gala marka ay dhacdana ay shaqada joojiyaan dhammaan dareemayaasha jidhkoodu.

Maxamed Haashim oo ah labada wiil aabahood oo la hadlay shabakadda Al-Carabiya ee uu wargeyska Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa yidhi, “Marka ay qorraxdu dhacdo, indhaha ayaa isku xidhma labada wiilba, waxa aana meesha ka baxa dhammaan dareemayaashooda, ma harraadaan, mana gaajoodaan. Maskaxdooduna waxa ay joojisaa gebi ahaanba shaqada. Labadayda wiil haddii qorraxdu dhacdo suuliga uma kici karaan, waxa aad mooddaa in ay ku shaqaynayeen baytari ka dhammaanaya marka qorraxdu dhacdo”

Dhinaca kalana masuulka cisbitaalka ay labadan wiil caafimaad ahaan u jiifaan oo ku yaalla magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Baakistaan ayaa yidhi, “Xanuunkoodani aad ayaa uu naadir u yahay, xitaa weli cilmigu xanuunkan magac uma uu bixin” masuulka cisbitaalku waxa uu sheegay in uu aad iyo aad ula yaabban yahay, in shaqooyinka jidhka labadan wiil aanay xitaa ku xidhnayn iftiinka iyo madowga (Sida uu caqligu rumaysan kari lahaa) balse ay ku xidhan tahay qorraxda soo bixisteeda iyo dhicisteeda, (Xitaa haddii aanay iyagu meel qorrax ah joogin).

Labadan wiil xaaladdooda waxaa gacanta ku haya oo si joogto ah ula socda 13 dhakhtar, iyo 32 khabiir oo caafimaad, si ay fasiraad iyo daweyn ugu raadiyaan xaaladdan, shaybaadh dhiig oo laga qaadayna waxaa loo diray shaybaadho caalamiya oo dalka Baakistaan ka baxsan.

Geeska Afrika waxa uu labadan wiil Alle uga baryayaa caafimaad buuxa, dhammaan akhristayaashiisa iyo ummadda muslimka ahna waxa uu u rajaynayaa caafimaad qab iyo camal wanaagsan.