Cilmibaadhis Soo Afmeertay Muranka Xidhiidhka Ka Dhexeeya Kansarka Maskaxda Iyo Talefanka Gacanta

0
595

Labaatankii sano ee u dambeeyey waxaa dunida ka jiray muran adag oo ka taagan xidhiidhka ka dhexeeya isticmaalka talefanka gacanta iyo kansarka ku dhaca maskaxda, waana labaatankii sano ee uu sida aadka ah isticmaalka talefanka gacantu ugu faafay dunida oo dhan, in kasta oo aanay marnaba jirin cimibaadhis caafimaad oo muddadaas murankani jiray si cilmiya oo lagu qanco isugu xidhay talefanka gacanta iyo cudurka Kansarka.

Haddaba cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Sydney ee dalka Ustareeliya, ayaa dhowaan daraasad ay sameeyey ku soo afmeeray murankaas, waxa aanay meesha ka saareen in uu wax xidhiidh ahi ka dhexeeyo isticmaalka talefanka gacanta iyo burooyinka kansar ee maskaxda ku samaysma. Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda caalamiga ah ee xanuunka kansarka ka faalloota (International Journal of Cancer) ayaa sheegaysa in khubaradu ay baadhitaan ku sameeyeen xaaladaha kansarka maskaxda ahaa ee dalka Ustareeliya lagu arkay tan iyo markii uu dalkaas ka bilowday isticmaalka Talefanka Gacantu 29 sano ka hor illaa maanta, waxa aanay si gaar ah u eegeen bal in korodhka isticmaalka talefanka gacanta oo dalka ka gaadhay boqolkiiba 94 ay keentay in sidoo kale ay la korodho tirada dadka uu ku dhacayo cudurka Kansarku, mana ay helin wax xidhiidh ah oo labadaas isku xidhaya.

Khubaradu waxa ay baadhis dheer ku sameeyeen 34 kun oo xaaladood oo Kansarka maskaxda ah, taas oo ay barbar dhigeen xaddiga isticmaalka talefanka gacanta ee dalkaas ka hirgalay sannadkii 1987kii, waxaana soo baxday in xanuunkan ku dhicistiisu ay xaddi aad u yar korodhay muddadaas, gaar ahaan ragga da’doodu ka weyn tahay 70 jirka, weliba waxa ay ogaadeen in korodhkaasina uu bilowday sannadkii 1982kii oo ka horreeyey isticmaalka talefanka gacanta oo isagu shan sano kadib dalkaas ka bilowday, halka tirada dumarka uu cudurkani ka dhacayaana aanay dalkaas ka kordhin 30 kii sano ee u dambeeyey.