Iskaashi Dhex Maray Guddiyada Waddooyinka Dawga-cad Iyo Baligubadle

0
578

Picture1Hargeysa (Geeska)-Guddida Jidka Dawga Cad iyo Guddida Dhismaha Jidka Baligubadle iyo Hargeysa, ayaa kormeer ku soo maray jidka Dawga Cad ilaa magaalo xeebeedka Ceel-sheekh, iyada oo ujeedada socdaalkani ahaa u kuur-galka halka ay marayso Waddadani, iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhamaystirkeeda.

Magaalada Ceel-sheekh, ayaa waxa ka dhacay kulan si weyn loo soo agaasimay oo lagaga hadlay sidii loo dhamaystiri lahaa Waddada Dawga Cad, Guddoomiyaha Guddida Jidka Dawga Cad, Eng Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo isagu munaasibadaas ka hadlay ayaa ka soo jeediyey hadalo uu ku soo dhaweeynayo Guddida Waddada Baligubadle iyo Hargeysa waxaanu yidhi “Waxaanu ku soo dhaweeynaynaa Guddida Waddada Hawd, oo halkan noogu timid, dadka hirgaliyey waxa weeye dadka danaynayey ee dhulka noo soo diri jiray, waxaan ILLAAHAY idinka filaynaa dhammaantiin idinka oo dalkiina ku soo noqday, inaad aragtaan maanta halka ay hawshu marayso, dal aad iyo aad u qurux badan weeyaan, inaynu dhisno ayaa la inaga doonayaa, inaynu wakhti u hurno ayaa la inaga doonayaa”.

Dhinaca kale Sheekh Mubaarik Muuse iyo Ganacsade Xasan Bulbul oo ku hadlayay magaca Wadada Baligubadle  ayaa wax weyn ku tilmaamay in Waddada Jidka Dawga-cad la hirgeliyo,  waxayna Bulshada ugu baaqeen in laga wada qeyb qaato dhismaha Waddadan madaama ay tahay Waddo aad u adag oo Buur ah, sida Waddada Dawga Sheekh.   Waxaana sidaas ku bilaabmay iskaashi iyo wada shaqayn dhex mari doonta labada guddi ee gacanta ku haya jidka Baligubadle, Hargeysa iyo jidka dawga-cad.