Cunsuriyadda Tiknoolajiyadda: Google Oo Raalli Gelin Ka Bixisay Dad Madow Ah Oo Ay Daanyeerro Ku Sheegtay

0
574

sawirrrWashington (Geeska)- Shirkadda Google oo Maraykanka laga leeyahay ayaa raalligelin rasmi ah siisay qalad ku yimid barnaamijkeeda cusub ee ay ugu talogashay in lagu garto wejiyada dadka, kadib markii laba ruux oo madowga Maraykanka ah oo la geliyey si barnaamijku wejigooda u garto uu ku sheegay in ay yihiin daanyeerro.

AFhayeen u hadlay Shirkadda Google ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi,”Cadho badan iyo ka xumaanshiyo run ah ayaa aanu ka qaadnay waxa dhacay” Isaga oo intaas ku sii daray in ay tallaabooyin degdeg ah qaadeen markii mid ka mid ah macaamiishoodu uu Twitter ka ugu soo diray sawirkan. Ninkan farriinta u soo diray Google ayaa sawirka soo raaciyey qoraal uu ku leeyahay, “Google Photos waa aad waalantihiin” Isaga oo qoraalkiisa ereyo badan oo cadhadiisa cabbiraya ku soo taxay kadib waxa uu yidhi, “Saaxiibadday daanyeer ma’aha”

Arrintan ayaa ay Google ku sheegtay cillad farsamo iyo qalad ka dhacay dhinaca garashada iyo fariidnimada samayska ah ee barnaamijkani ku kala saarayey wejiyada, isaga oo sheegay in ay ka taxaddari doonaan in qaladkaas oo kale dib u dhaco.