Daanyeerro Dhagax Ku Dilay Wadaad Hinduus Ah Iyo Dhacdo La Mid Ah Oo Taariikhda Islaamka Ku Xusan

0
656

daayeerHargeysa (Geeska)- Kitaabka Saxiix Al-Bukhaari lagu magacaabo ee uu Sheekh Abu Cabdallah Muxamed Bin Ismaaciil Al-Bukhaari oo noolaa intii udhexeysay 810 illaa 970 Milaadiga uu ku ururiyey Axadiiista la hubo ee Nebi Muxammed (SCW) laga soo tebiyey, laguna tilmaamo in uu yahay kitaabka ugu saxsan diinta Islaamka marka laga yimaaddo kitaabka Qur’aanka ah, ayaa waxa ku jira qiso dad badan amakaag ku noqotay, oo sheegaysa in raxan daanyeerro ah, ayaa beri baryaha ka mid ah dhagax ku dileen daanyeer ka mid ah oo dheddig ahaa. Sheekh Bukhaari oo 16 sano Axaadiistan ururinayey waxa uu qisadan ka soo wariyey Camar Bin Maymuun oo u sheegay in uu la kulmay nin reer Yemen ah oo diinta Islaamka ka hor indhiisa ku arkay daanyeerro dhagax ku dilay mid ka mid ah oo dheddig. Weliba waxa uu intaas ugu daray in markii daanyeerradu ay dilayeen daanyeerkan in uu isna kala qayb galay dhagax ku dilistaas isaga oo aaminsan in sababta daanyeerradu midkan ka mid ah u dilayaan ay tahay in ay sinaysatay. Maymuun markii dambe ee Islaamku yimid waa uu muslimay sida uu Bukhaari caddeeyey.

Haddaba iyada oo 1200 oo sano laga joogo markii uu Bukhaari qisadan ka warramay dad badanna qisadan si uga biyo diideen ayaa ay qarnigan 21aad dhacday sheeko aad ula mid ah taas uu ka waramay Camar Bin Maymuun, laakiin markan daanyeerradu waxa ay dhagax ku dileen waa qof bani’aadam ah.

Suufi ka masuul ahaa Macbadka caanka ah ee Jagannath oo dadka Siikha ahi ku cibaadaystan dalka Hindiya ayaa la sheegay in xilli uu barandaha dabaqa sare ee gurigiisa joogay in ay si kedis ah Isniintii toddobaadkii hore dhagax ugu soo weerareen raxan Daanyeerro ah aakhirkiina uu u dhintay dhagaxaantii daanyeerradu la dhaceen.

Qisadan yaabka badan ee uu Geeska Afrika turjumay oo uu baahiyey Talefishanka Alcarabiya oo soo xiganaya wargeyska Today India ee dalka India ayaa sheegaysa in daanyeerradani ay sidan oo kale qof kale dhagax ugu dishay isla deegaankan.

Wadaadkan Hinduuska ah oo lagu magacaabi jiray Monna Mishra kuna noolaa degmada Patna oo ku taalla gobolka Maharashtra ayaa daanyeerrada soo weeraray oo boqollaal gaadhayey ayaa dhagax sida dhibicda roobka kaga dhigay, nabarro badan oo qaarkood khatar yihiin ayaana soo gaadhay, cisbitaalka oo la geeyey iyada oo ay xaaladdiisu adag tahay ayaanu ku geeriyooday wadaadkan oo 50 jir ahaa. Qalniin baadhis ah oo maydkiisa lagu sameeyey ayaana lagu xaqiijiyey in uu u dhintay dhaawacii dhagaxaas ka soo gaadhay.

Warkan oo baahintiisu ay aad u gaashay warbaahinta afafka kala duwan ee dunida ayaa lagu sheegay in wadaadkani uu noqonayo qofkii saddexaad ee daanyeerro ay dhagax ku dilaan degmadaas oo keliya, taas oo cabsi iyo warwar badan ku abuurtay dadka deegaanka oo qaar badan oo ka mid ahna dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen weerarro sidan oo kale daanyeerro dhagax adeegsanayaa ugu qaadeen.