Ilmaha Waalidkii Uu Is-Xigsiiyaa Waxa Uu Walaalladii Kala Kulmaa Colaad Ku Keenta Xanuunno Nafsi Ah

0
526

London (Geeska)- Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa dhowaan baahiyey natiijada cilmibaadhis ay iska kaashadeen jaamacado Maraykan ah, taas oo daahfutay in ilmaha labadiisa waalid midkood ay aad isugu dhowyihiin ama loo dareemo in jacayl gaar ahi ka dhexeeyo aanu xidhiidh fiican la yeelan Karin walaalihii. Cilmibaadhistu waxa ay tilmaamtay in carruutu, walaalkooda ama walaashooda ay ka dareemaan in uu waalidka midkood ama labadoodaba si gaar ah ugu xidhan yahay ama isu xigsiiyo ay la galaan tartan iyo loollan adag, kaas oo aan inta badan hadhin xitaa marka ay carruurtu qaangaadho ama da’doodu xitaa qaangaadhka ka sii weynaato. Aakhirkana fogeyntaas uu ilmahani kala kulmayo carruurtoodu waxa ay ku beeraysaa cuqdad iyo calool xumo uu u qaado walaalihii.

Daraasaddu waxa ay tilmaamtay in ilmahan ay waalidkii isku dhow yihiin ay qudhiisuna marka uu cadaadiskan kala kulmo walaalihii ay ku beeranto shucuur ah in uu masuuliyadda waxa dhacaya wax ku leeyahay, ama haddii aynu si kale u nidhaahno in uu dembiile ku yahay jacaylka gaarka ah ee uu labadiisa waalid ama midkood u qabo, taasina ay ku sii kordhiso diiqad iyo cidhiidhi badan oo nafsi ah.

Daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo uu baahiyey talefishanka AlJazeera oo sii xiganaya Daily Mail waxa ay intaas ku dartay in tirokoobyo kala duwan lagu ogaaday in boqolkiiba 60 hooyooyinka ka mid ah iyo boqolkiiba 70 aabayaasha ka mid ah uu carruurtooda uga dhex calaamadsan yahay wiil ama gabadh ay si gaar ah inta kale oo dhan uga fadilaan ugana soo dhoweystaan.