Cunista Iniinyaha Liin Macaantu Waxay Caawisaa Xakamaynta Dhiigkarka, Macaanka Iyo Xaalado Kale

0
2017

Hargeysa (Geeska)- Liin macaantu waxa ay ka mid tahay khudradaha lagu tilmaamo faa’iidooyinka caafimaad ee tirada badan, laakiin inta badan waxa la ogaa keliya in muudkeedu uu leeyahay faa’iidoyinkaas. Waxa se hadda soo korodhay in la ogaaday in midhaha liin macaanta ku dhex jiraana ay leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan. Warbixin lagu daabacay bogga internet ka ee Bold Sky oo aynu ka soo xigannay shabakadda Alcarabiya ayaa ay xeeldheereyaal caafimaad ku soo gudbinayaan faa’iidooyin laga helo iniinyaha liin macaanta.

Kansarka:

Faytamiin C -ga oo ku badan ayaa iniinyaha liin macaanta awood u siiya in ay burburiyaan unugyada halista u ah in ay dilaan dheecaannada, isla markaana keenaan khatarta ah in qofka uu kansar ku dhaco. Daraasaddu waxa ay sheegtay in lafaha liin macaanta ay ku jirto maaddo isku dhis ah oo lagu magacaabo De-Limonene taas oo si weyn u xakamaysa cudurka kansarka noocyadiisa ku dhaca maqaarka, sambabka iyo naaska.

Tamarta:

Iniinyaha liin macaanta oo la burbursadaa waxa ay kordhisaa tamarta jidhka, oo ay tamar dheeraad ah ku keydiso unugyada jidhka, sidaa awgeed daal iyo burburka bilaa sabab ah haddii aad isku aragto, waxaa kugu filan cabbitaan liin macaan lafta lagu dhex shiiday.

Xakamaynta dhiigkarka

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa ka marag kacay in iniinyaha liin macaantu ay awood u leeyihiin in ay xakameeyaan dhiigga, sababtuna ay tahay Faytamiin B6 oo ku jiraa in uu awood u leeyahay in uu soo saaro maaddooyin kaalin muhiim ah ka ciyaaraha in dhiiggu aanu heerkiisa ka kicin.

Xoojinta habdhiska difaaca

Faytamiin C -ga oo ku badan iniinyaha liin macaantu waxa uu awood u leeyahay in uu burburiyo mariidka / sunta cuntada ka samaysanta, waxa kale oo uu xoojiyaa habdhiska difaaca oo uu ka ilaaliyo xanuunnada.

Calool-Istaagga

Midhaha liin macaanta waxaa ku jira gas si fudud u milmi kara iyo mid aan hore u milmin, taas oo la aaminsan yahay in uu midhicirada ka caawin karo hawlaha ay qabato. Sida awgeed waxa ay iniinyaha liin macaantu dawo fiican ka noqon karaan calool istaagga, maadaama oo maaddooyinkaas ku jiraa ay caawinayaan in midhiciradu ay qashinka iska soo saarto waqtiga ku habboon.

Dufanka kalastaroolka

Maadadda Limondoids oo ah maaddo kiimikaad dhir ah oo laga helo iniinyaha liin macaantu waxa ay xakamaysaa dufanka marka horeba khafiifka ah ee LDL loo yaqaanno ama kalastaroolka xun. Sida oo kale ganka midhaha liin macaantu waxa uu nuugaa dufanka, sidaa awgeed waxa uu kaalin muhiim ah ka qaataa yaraynta kalastaroolka.

Maqaarka

Maaddooyinka liddiga mariidka ah ee ku jira midhaha liin macaantu waxa ay wanaajiyaan o oay qurxiyaan maqaarka, waxa aanay ka ilaaliyaan calaamadaha gabowga iyo coodhcoodhka.

Timaha

Faytamiin C -ga iyo maaddo ‘Bioflavonoids’ oo labadaba laga helo iniinyaha liin macaantu waxa ay wanaajiyaan caafimaadka timaha, maadaama oo ay xoojinayaan wareegga dhiiggu in uu si fiican u gaadho maqaarka madaxa, sida oo kale asiidhka Folic oo isaguna ku jira iniinyaha liin macaanta ayaa caawiya in ay timuhu si dhegdeg ah u baxaan iyo in jiriddoodu adkaato.

Aragga

Isku dhisyada Carotene Compounds  oo ku jira iniinyaha liin macaantu waxa uu si weyn u caawiyaa wanaajinta aragga.

Macaanka

Iniinyaha liin macaantu waxa ay caawiyaan in macaanku aanu heerkiisa dabiiciga ah iska beddelin ama in qofka macaanka leh macaankiisa la xakamayn karo.

Dingiin

In kasta oo ay iniinyaha ama lafaha yaryar ee liin macaantu leeyihiin faa’iidooyinkaas caafiamad ee tirada badan, haddana waxa ay khubarada caafiamadku ka digayaan in cunistooda aan lagu talaxtegin, maadaama oo haddii ay badato ay keeni karto dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca caloosha ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here