Hilibo Goroyo Iyo Garanuugeed Ayaa Suxuur Looga Dhigay Dadka Faqiirka Ah Ee Magaalada Karachi Ee Dalka Pakistan

0
1027

Karachi (Geeska)- Hay’ad samafal oo baakistaani ah ayaa salaasadii habeenka koowaad ee Ramadaan ahayd waxa ay dadka faqiirka ah ee magaalada Karachi u qaybisay suxuur lagu tilmaamay in ay cuntada dadka ladan tahay oo ka kooban hilibo goroyo iyo garanuug.

Dufaar Cabbaas oo ah xoghayaha guud ee hay’adda Aljacfariya ee maaraynta dhibaatooyinka ka dhasha masuuliyiinta ayaa sheegay in jimcaddiisu ay 500 oo qoys oo ku nool magaalada Karachi ay u samaysay suxuur lagaga farxinayo oo la siinayo cunto aan marka hore maskaxdooda ku soo dhacayn oo dalkaas qiimo qaaliya ka joogto.

Warku waxa uu sheegay in ganacsatada dalkaasi ay bixisay kharashka ku baxay cuntada qaaliga ah, oo lagu yaqaanno in xitaa dadka dabaqada dhexe ee dalkaasi aanay goyn Karin qiimaheeda.

Cuntadan ayaa uu xoghayuhu sheegay in ay ka kooban tahay hilob garanuug iyo goroyo oo aad u qaaliya, isla markaana aanay noqon doonin cunto hal mar la siiyo balse ay muddada Ramadaanta oo dhan bixin doonaan.

Dad badan oo fuqarada deegaanka ah ayaa isugu yimi in ay ugu yaraan dhadhamiyaan cuntadan aanay abid dhadhamin, kuwo badan oo ka mid ahina aanay ku riyoon in ay heli karaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here