Iska Jir In Ramadaanta Awgeed Aad Beddesho Xilliyada Dawo Qaadashada Adiga Oo Aan Dhakhtar La Tashan

0
1428

Qatar (Geeska)- Dr. Camar Almuhayn oo ah khabiir caafimaadka gurmadka degdegga ah ku xeeldeer oo ka tirsan hay’adda caafimaadka ee Xamad oo dalka Qatar ka jirta. Ayaa ka digay in dadka dawooyinka qaataa ay ramadaanka awgii beddelaan waqtiyada dawada ay cunaan iyaga oo aan arrintaas kala tashan dhakhaatiirta takhasusuka ah ama xaaladdiisa gacanta ku haysa.

Dr. Camar waxa uu sheegay in dawada oo waqtigeeda laga beddelaa ay mararka qaarkood keeni karto faa’iidadii laga rabay oo ay yeelan weydo iyo xitaa in ay dhici karto ay xaaladdii qofka sii xumeeyaan.

Digtoorku waxa uu ku taliyey in xilliga afurka laga dheeraado cuntada dufanku aad ugu badan yahay, si looga hortago in ay keento cillad caloosha ah, gaar ahaan dadka qaba calool ololka, gaasteriga noocyadisa ama xanuunka midhicirada ku dhaca ee afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Irritable Bowel Syndrome – IBS’

Dhinaca kalana Dr. Camar waxa uu ku taliyey in bisha soonka habeenkii lagu dadaalo in biyo iyo cabbitaanno badan la cabbo, laakiin la iska yareeyo cabbitaannada leh maadadda Caffeine sida bunka, Shaaha iyo sharaabbada qaarkood. Dr. Camar waxa uu sheegay in dhibaatada maadadda Caffeine ay tahay in ay jidhka ka soo saarto kaadi aad u badan, taasina ay keenayso in jidhku ingago ama biyihii uu u baahnaa hoos u dhacaan maadaama oo biyaha kaadi ahaan uga baxay beddelkeeda aanu biyo cusub cabbayn.

Dhakhtaru dadka macaanka qaba ee dhakhtarradu u ogolaadeen in ay soomaan waxa uu kula taliyey in ay maalinnimada soonka marar kala duwan heerka macaankooda cabbiraan, si ay uga taxaddaraan in sonkortu si kedis ah hoos ugu dhacdo oo ay miyir beelaan (Kooma galaan). Waxa kale oo muhiim ah ayaa uu sheegay in qofka macaanka qabaa uu barto calaamadaha lagu garan karo marka uu macaankiisu aad hoos ugu dhaco, si inta aanu miyir beelin uu xal u raadiyo.

Dr. Camar waxa uu sheegay in calaamadahaas lagu garto hoos u dhaca heerka macaanka ay ka mid tahay dhidid qaboow oo uu qofku isku arko, dawakhaad, yalaalugo iyo in uu mararka qaarkood indha madoobaado. Waxa aanu ku taliyey in qof kasta oo macaan qaba oo sooman haddii uu xaaladahaas isku arko ay waajib ku tahay in uu sida ugu dhaqsaha badan u soonka u jebiyo, isla markaana cabbo cabbitaan ama waxoogaa sonkor ah cuno, haddii kale macmancaan raadsado si uu kor ugu soo qaado sonkorta dhiiggiisa.

Dhakhtarku waxa uu sheegay in dadka wadne xanuunka qabaa ay aad uga faa’iidaysan karaan soonka, maadaama oo la ogyahay in soonku uu wanaajiyo kalastaroolka dhiigga, korna qiyaas boqolkiiba 30 illaa 40 ah kor u qaado heerka kalastaroolka (dufanka) caafimaadka u fiican ee dhiigga.

Dhakhtarku waxa uu dumarka uurka leh kula taliyey inta aanay soomin in ay dhakhtarka kala tashadaan si uu u qiimeeyo xaaladdooda in ay soonka qaadi karaan iyo in kale.

Dumarka uurka leh ee soomana waxa uu kula taliyey in ay biyo aad u badan iyo cabbitaanno kala duwan cabbaan habeenkii.

Ugu dambayntii dhakhtarku waxa uu ku taliyey in dadka caadada jimicsiga ah lihi ay xilliga soonkii ku dadaalaan in ay afurka kaddib jimicsadaan, balse aanay jimicsan maalinnimada inta ay sooman yihiin. Waxa uu sheegay in jimicsiga maalintii uu keeni karo in biyo badani qofka ka baxaan, taasina ay sababto ingag iyo daal qofka khatar ku keeni kara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here