Cunista Cuntooyinka Dufanku Ku Badan Yahay Waxa Ay Gabadha Ku Keeni Kartaa Madhalaysnimo

0
608

Sydney (Geeska)- Cilmibaadhe u dhalatay dalka Australia ayaa ka digtey in gabadha oo raacda nidaam cunto cunis oo aan isu dheeli tirnayn iyo iyada oo cunta cuntooyinka uu ku badan yahay Dufanku ay keento in ay wax yeelloobaan ugxaanta bacariminta ee gabadhu, noqdaanna kuwo aan awood u lahayn nolol.

Condeez Manigy oo ka tirsan Jaamacadda Adelaide ee dalka Australia ayaa tidhi, “Marka ay bacarrimaan ugxaantu si dabiici ah oo caafimaad qabta uma hawlgalaan mana dhamaystirmo nidaamkeeda abuur, haddii aanay gabadhu marin nidaam cunto qaadasho oo isu dheelitiran”. Waxa ay gabadhan iyo khubaradii la samaysay Cilmibaadhistu sheegeen in tijaabo lagu sameeyay koox ah Jiir dheddig oo riman ay si cad uga marag kacday saamaynta ay cunto qaadashada gabadhu ku leedahay ilmo qaadista.

Daraasado hore loo sameeyay oo qaarkood aynu ku soo qaadannay cadadyo hore barnaamijkan Googooska Geeska ah ayaa iyaguna daahfuray in Buurnidu ay dumarka ku keeni karto dhalmo la’aan, sababuhuna ay yihiin kuwo la mid ah kuwan ay keento nidaamin la’aanta cuntada iyo cunista cuntooyinka uu ku badan yahay dufanku.