Arrimo Dunida Qarniyo Ka Jiray Oo Fahamkoodu Uu Hal-Xidhaale Ku Noqday Cilmi Baadhayaasha

0
681

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Toddobaad uguna dambaysay taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo gudbinayey qaar ka mid ah siraha ay aadamuhu furfuri kari waayeen ama dhacdooyinka soo maray adduunkan oo aynu ku magacaabi karno in ay yihin hal-xidhaalayaal maskaxda aadamaha dawakhiyey, waxa aanay yihiin:

Diyaaraddii Malaysia ee warkeeda la waayey:

Bilowgii hore ee qarsoomidda diyaaraddan, dad badan ayaa dhowr maalmood saacado badan ku qaadan jiray baadhista internet ka, daalacashada warbaahinta qoran iyo dhegeysiga idaacadaha iyo talefishannada si ay war uga helaan halka ay ku dambaysay diyaaraddaasi iyo waxa ka soo cusboonaaday warkeeda. Aroor hore oo ku beegnayd 8dii Maarij 2014kii ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in raadaarradii ku shaqada lahaa laga waayey diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boing 777 illaa maanta oo ay ka soo wareegtay hal sano iyo maalmo weli waxaa dunida k socda raadinta ugu yaraan burburkii diyaaraddaas, raad yarna lagama arag. Natiijo kasta oo ay shaaciyaan khubarada baadhistan samaynaysaana waxa uun ay noqotaa male-awaal iyo war aan lagu kalsoonaan karin ama waaba ay beenowdaa.

Diyaaraddan oo tirsiga safarkeedu ahaa, 370 waxa ay ka kacday gegida diyaaradaha ee magaalada Kualilampur oo ah xarunta dalka Malaysia, saacaddu markii ay ahayd 12:41 habeen badhka kadib ee waqtiga dalkaas ah, kuna beegnayd 8dii Maarj waxaana lagu waday in 6:30 subaxnimo ee isla maalintaas ay fadhiisato gegida diyaaradaha ee magaalada Beijing ee dalka China, laakiin markii ay diyaaraddu haadday laba saac kadibba waxaa go’ay isgaadhsiintii lala lahaa duuliyeyaasha. Diyaaraddan oo ay saarnaayeen rakaab dhan 239 ruuxna markaas ayaa warkeeda dunida oo dhan ugu dambaysay.

Hal sano ayaa ka soo wareegay shilkan naxdinta badan, waxaana muddadaasba warkeeda raadinayey ciidamo iyo qalab casriya oo ka socda in ka badan 10 dal oo kuwa dunida ugu muhiimsan ah, waxaa ka mid ah China, iyo Maraykanka, waxaana laga raadinayaa masaafad dhan 90 kun oo kiloomitir oo isku wareeg ah. laakiin weli diyaaraddaas warkeedu waa hal-xidhaale u yaalla tiknoolajiyadda iyo horumarka ay dunida maantu ku faanayso. Dhammaad