Mid Ka Mid Ah Salaadiinta Reer Awdal Oo Ka Hadlay In Madaxweyne Siilaanyo Weli Ka Jawaabay Tabashadii Ay U Gudbiyeen Ee Dhinaca Saami Qaybsiga

0
689

ibrahimHargeysa(Geeska):-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah madaxdhaqameedka ka soo jeeda gobalada galbeedka Somaliland, kana mid ahaa madaxdhaqameedkii sanadkii hore daba-yaaqadisii madaxweyne

Siilaanyo u gudbiyey barnaamij khuseeya saami qaybsiga dalka, ayaa waxaa uu sheegay in isku shaandhaynta uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xukuumadiisu aanay wali daboolin arrimihii u gudbiyeen, isaga oo tibaaxay in wali ay wax badan ka tabayaan in aan wax laga qaban dhinacyada shaqaalaha dawlada, hogaanada ciidamada,agaasimeyaasha xukuumada iyo sida oo kale in dib u eegis lagu sameeyo nidaamka Baarlamaanka dalka, balse  waxaa uu sheegay in isku-shaandhaynta uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xukuumadiisu ay  tahay mid bilow u ah wax ka qabashada tabashooyinkaasi.

Suldaan Ibraahim Jamac Samatar, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisaba uu ugu baaqay in ay dhamays tirto tabashooyinka kale ee ay u gudbiyeen.

"Horta anigu waxbaan had iyo jeer saxaayee ma' ahayn arrinkii aanu madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo xukuumada u soo gudbinay ay ahayd tabasho, wax tabasho ah oo gaar ahi oo aanu qabnaa ma jirto, waxa weeyaan waan ku saxayaayee saami qaybsi ayaa uu ahaa, waxaanu hor dhignay madaxweynaha 25bog oo aanu saami qaybsiga Somaliland aanu kaga hadlayno, oo haday xukuumada tahay iyo meel walba Somaliland ahi ay tahay dee mid la wada leeyahay oo si fiican loo wada qayb sado ayaanu xukuumada u gudbinay, se arrintayadu ma' ahayn oo kaliya kuraas ama boosas wasiiro ah oo aanu doonayno oo qudha ma' ahayn, runtii iyada lafteedu waa ay ahayd se arrintu waa ay k balaadhnayd, markaa waxaanu leenahay haa waa uu bilaabmay waa bilow fiican, madaxweynaha iyo xukuumaduna Labada isku-shaandhaynood ee uu sameeyeyba waa uu ku mahadsan yahay, waanu uga mahad naqaynaa waanu ku guubaaninaynaa, laakiin waxaanu leenahay ma dhamaystirna wali arrimihii aanu codsanay ee aanu ka doonaynay madaxweynaha iyo xukuumadiisa, ma dha'dhawa laakiin waa bilow fiican, meelo fiicana waa uu bixiyey, waana aanu ugu hambalyeynaynaa taas, laakiin wali waxaanu leenahay Roma maalin lama wada dhisin, markaa wali waa ay soo socotaa, waxaanu leenahay madaxweyne si fiican ayaad u bilowday, meel fiicana waad ka abaartay laakiin waxii kale ee dhinaa oo waxaa kale oo dhinaa shaqaalihii dawlada, oo waxaa kale oo dhiman hogaanadii ciidanka  ee taliyeyaashii oo hogaano fara badan ayaa jira oo ciidanka ah, agaasime yaashii ayaa maqan, waxyaabo fara badan ayaa maqan, xataa saami qaybsigayagu waxaa uu gaadhsiisnaa in xataa nidaamkan baarlamaanka loo qaadanayo in la isla eego oo nidaamka laftiisa la isla eego inkasta oo ay Baarlamaanka ku xidhan tahay. Markaa waxaanu leenahay waa bilow fiican, walibana xukuumada waanu ugu hambalyeynaynaa, waxaanu se leenahay wali ma dhamays tirna, annaguna waanu ognahay in aan marqudha la dhamays tiri karin, waxaanu leenahay madaxweynaha iyo xukuumadu ha ku dedaalaan sidii loo dhamaystiri lahaa arrimhaas oo dhanba."Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

Suldaan Ibraahim Samatar, waxaa uu sida oo kale soo dhaweeyey go’aankii ay dhawaan ku dhawaaqeen Komishanka doorashooyinku, isaga oo soo jeediyey in lagu ixtiraamo Komishanku hanaanka ay wax u wadaan.

"Runtii ka madaxdhaqameed ahaan arrintaa Komishanka horena waanu u hambalyeynay, waxaana aanu u aragnaa in waxan ay Komishanku samaynayaan ay tahay hawshoodii in ay samaynayaan, waana wax ay iyagu xaq u leeyihiin in ay iyagu ka hadlaan doorashada wakhtigeeda iyo wakhtiga ay ku qaban karaan, sababta oo ah hay'adda sharciga ah ee sharcigu siiyey ee lama magacaabay ee xisbiyada mucaaradka, guurtida iyo madaxweynahuba ay wada magacaabeen waa Komishanka doorashooyinka qaranka, waa hay'ad madax banaan iyada ayaa horta iska leh in ay iyadu shaaciso wakhtiga ay u qabsoomayso iyo haddii aanay u qabsoomi karinba, hadda iyagu waxaa ay inoo sheegeen in ay diiwaan gelintii ay bilaabayaan horena waxaa aynu u nidhi in aan diiwaan gelin la'aan aan lagu geli karin doorashadii, kolkaa waxaan leeyahay annagu waanu soo dhawaynaynaa, waxaan aanu leenahay doorashadu dee waa ay ku haboonayd in ay wakhtigeedii dhacdo, iyaguna waa ay ogal yihiin se waa iyaga hay'addii loo xil saaray ee iska lahayd awooda in ay iyadu ay qabato doorashada. waxa ay ku talisana waa aanu soo dhawaynaynaa waxa ay ku taliso, aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa, doorashaduna in ay wakhtigeedii ay ku dhacdo iyo in aanay ku dhicinba iyaga ayaa inoo sheegaya.".Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim.

Ugu danbayntiina Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, waxaa uu ka digay hadalo ay muddooyinkii danbe ku dhawaaqayeen xisbiyada mucaaradka ee khuseeyey in aanay 26ka Juun marka la gaadho aqoon sanayn dawlada jirta, waxaana uu sheegay in aanay marnaba ka madaxdhaqameed ahaan aqbali dooni in dawlad la’aan lagu dhaco, isaga oo carabka ku dhuftay in dawlada jirta kaliya ay badali karto dawlad kale oo la soo doortay.

"Waxaanu mar walba ka digaynaa xisbiyada mucaaradka ah arrintan ay mar walba ka hadlaan ee 26ka Juun la yidhaahdo ee ay leeyihiin 26ka Juun haday gaadho in aan wax sharci ahi jirin, oo ay kuraasta suuqa taala iyo  kuwa madaxtooyada yaala ay isku mid yihiin, waanu ka digaynaa, waxa weeyaan arrintan Komishanka ayaa iska leh Komishankiina wax ayaa uu ku dhawaaqay in iyaga la sugo oo loo hogaansamo weeye, waxa weeye waxan leeyihiin saacad ma ogalin, waxa weeyaan saacad kaliya oo dalku ku dhaco firaaqo dawlad la'aani waxa weeyaan wax burbur ku keenaya 24kii sanadood ee ay Somaliland jirtay, taasna ma ogalin, waxaanu ogal nahay in doorashada la qabto, in komishanka qarank loo hogaansamo oo waxyaabaha uu soo jeediyo ee uu ku taliyo, waxaan ogalnahay in dawladan joogta ay dawlad la soo doortay badesho, oo aan marnaba dalku galin khilaaf siyaasadeed ayaanu ku talinaynaa sidii aanu horeba u sheegnay ee aanu uga hadalnay.".Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.