Cumar Bin Khadaab Oo Looga Sheekeeyey Ilmo Yar Oo Ku Dhex Dhashay Qabri, Kadibna Nolol Loogu Yimi

0
1221

Hargeysa (Geeska)- Nin ayaa u yimi Amiirkii Muslimiinta ee Cumar Binu Khadaab Alle Ha ka raalli noqdo ee. Ninkan waxa la socday wiil uu dhalay oo aad ugu ekaa. Waxaa la sheegay in aanu jirin wax farqi ah oo lagu kala garan karayey ninkaas iyo wiilkiisa la socday, marka da’da laga reebo.

Cumar Binu Khadaab ayaa aad ula yaabay isu ekaanshaha labadan qof, kadib waxa uu weydiiyey, “Wallaahi in aanan hore u arag maalin ay maanta igaga yaab badan tahay, isu eekaantiina waxa aan ku tusaalayn karaa kaliya isu eekaanta labada Tuke. (Sida ay carabtu ku maahmaahdo Lammaanaha Tukuhu aad ayaa ay isugu eeg yihiin). Ninkii ayaa ku yidhi Cumar binu khadaab, “Ka waran haddii aan kuu sheego in hooyadii ay dhashay iyada oo mayd ah.” Cumar Binu Khadaab ayaa bedelay sidii uu u fadhiyay, yaab awgii, sida la sheegana Cumar waxa uu aad u jeclaa Sheekooyinka Layaabka ah.

Cumar (Alle ha ka raalli ahaado) waxa ninkii ku yidhi, “Iga waran bal arrintan” Kadib ninkii ayaa sheekadan bilaabay, “i, “Inankan yar hooyadii oo uurkiisa xaamilo u ahayd, ayaa aan go’aansaday in aan safar galo, markii aan marayey albaabka gurigayga ee aan damcay in aan baxo ayaa ay iga bariday in aanan ka tagin oo safarkan aan baajiyo, waxa ay tidhi, “Sidee aad iga tegaysaa aniga oo sidan u culus? Inta aan soo noqday oo aan gacantayda saaray Caloosheeda ayaa aan idhi, “Ilaahayoow adiga ayaan magantaada kaga tagay ilmahaygan uurka ku jira” kadib waan baxay. Markii aan muddo ku maqnaa safarkaygii dantaydiina aan soo dhamaystay ayaan soo noqday, waxaa yaab igu noqotay markii aan arkay gurigii oo quful. Aniga oo aan weli dhaqaaqin, laakiin la yaabban sababta gurigu u qufulan yahay, ayaa waxaa markiiba igu soo ururay Ehelkaygii oo iga waramay in Xaaskaygii ay dhimatay.. waxa ay i geeyeen guri u dhowaa xabaalaha oo qof qoyskayaga ka mid ahi lahaa, si ay ii siiyaan casho, aniga oo cashaynaya ayaa aan arkay Qiiq ka kacaya xaggii xabaalaha, inta aan yaabay ayaan waydiiyay dadkii ila joogay waxa uu yahay Qiiqaasi?

Dadkii waxa ay ii sheegeen in tan iyo markii la aasay xaaskayga in uu qiiqani si joogto ah uga soo baxo Xabaasheeda. Waxa aanan hadalkooda ka dareemay in qiiqani uu shaki ku abuuray fahamkii ay dadku ka haysteen wanaagga xaaskayga iyo in qiiqani uu yahay iyadii oo qabriga lagu cadaabayo.

Waxa aan ku idhi, aniga ayaa cid kasta uga xog ogaalsan xaaskayga, waxa ay ahayd gabadh soon badan, Salaadda aad u tukata, xumaan aan lagu ag samayn dadkana samaha farta sidaa awgeed marnaba Ilaah ma hoojinayo. Waxa aan u kacay xaggii qabriga iyaga oo dadkii ehelkayga ahaana ila socdaan, markii aanu gaadhnay qabrigii xaaskayga ayaan qoday ilaa aan gaadhay iilkii. Markii aan iilkii furay waxa aan ugu tegey arrin mucjiso ah; waa gabadhii oo mayd ah oo haddana si caadiya u fadhida, wiilkan yar ee imika ila socdaana isaga oo dhashay oo nool uu jiifo labadeeda cagood hoostooda.

Markii aan soo qaaday Inanka ayaan maqlay cod ii dhawaaqaya oo aanan garanayn halka uu igaga imanayo, laakiin ereyada uu leeyahay aan si fiican u fahmi karayey, waxa uu lahaa, “Waar kii ilmahan ilaahay u magan gashadayoow qaado waa taas magantaadii ee”

Culimadu waxa ay yidhaahdeen ninkan ducadiisii uu u duceeyey markii uu ka sii safrayey xaaskiisan oo uur leh, ayaa ku began tahay xilli samadu furan tahay, oo haddii uu hooyadana sidan oo kale ugu ducayn lahaa waxaa aad u suurtogal ah in uu heli lahaa, laakiin si qadarka Ilaahay ee ah in nafna aanay xilligeeda ka dib dhicin kana hormarin u socdo ayaa loo waafajin waayay in uu u duceeyo xaaskiisa. Ilmihii uu u duceeyeyna Alle ugu ilaaliyey qabri dhexdii.