Maadayska Maanta Iyo Kaftanka Googooska Geeska

0
990

Hargeysa (Geeska)- Waa qormo maadays ah oo aynu ku soo qaadanayno laba qiso oo mid kasta ay tahay maadays, lakaiin dhinaca kalana ay ku jirto xikmad laga dheehanayo arrimo kala duwan:

Dumarka iyo Da’da: Gabadh 90 gu’ jirtay ayaa la waydiiyay Su’aal ahayd, “Talow goorma ayaa ay dumarku ka waynaadaan ama joojiyaan Jacaylka markaas ayaa ay ku jawaabtay, “Weli ma’ aan gaadhin da’daas ee bal waydiiya cid iga wayn”

Dumarka iyo Hinaasaha: Gabadh Maraykan ah oo aad u Hinaase badnayd cuqdadna ka qabtay in haddii ay dhimato uu ninkeedu inta uu dhaxlo hanti badan oo ay lahayd, kadibna uu guursan doono gabadh kale oo uu xoolaheeda kula raaxaysan doono. Gabadhan ayaa muddo xanuunsanaysay, aakhirkii marki ay dareentay in ay geeridii hayso ayaa ay Ninkeedii u qortay dardaarankii dhaalka oo ah in uu xoolaheeda ka qaato Laba ($2) Dollar oo lacag ah. Ninkii oo ogaaday dardaaranka gabadha, ayaa isaga oo cadhaysan weydiiyey, sababta ay sidaas ugu gelayso ee 2 doolar oo keliya u siisay. Laakiin halkii uu jawaab kale ka sugayey, waxa ay gabadhii si dhib yar ugu jawaabtay, “Aan doonayaa in aad lacagtaa siisato xadhid aad isku daldasho, si aad dhaqso iga daba timaaddo oo aanad naag kale haweysan”